U bood dhigaalka

Maxaa saaka ka jira deeganada maamulka Somaliland ee rabshadaha shalay ka dhaceyn (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Deegaano ka mid ah maamulka Somaliland waxaa shalay ka dhacay rabshado sababay dhimsaho iyo dhaawac, waxaana sidoo kale jiray hadal hayn aad u badan oo dhanka shacabka ah.

Magaalada Burco ayaa ka mid ahayn meelaha qasaaraha dhimashada ay ka dhacday, ka dib markii ciidamada Somaliland ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo dibadbax dhigaayay.

Dhanka kale waxaa jawi ahaan degan xaaladda guud ee magaalada Hargeysa iyo deegaano kale oo shalay xiisad ahaan aad u kacsaneyd, waxaana saaka dadka ay yihiin kuwo si caadi ah u wato howlahooda shaqo.

Wariyaha Goobjoog Fm ee Somaliland Cumar Seerbiya ayaa soo sheegaya in dhamaan adeegyadii bulshada ay sidooda kusoo laabteen.

Xildhibaanada baarlamaanka Somaliland gaar ahaan kuwa muxaafidka ka yimid ayaa kenay mooshin ka dhan ah gudoomiyaha baarlamaankaasi, waxaana taa ay keentay in shacab badan ay aad uga caroodeen taasi.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News