U bood dhigaalka

Maxaa sababay in uu qabsoomi waayo kulankii baarlamaanka maanta, maxaase dhacay? (Warbixin iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Xaqiijinta in uu maanta jiro kulan baarlamaanka lagu hor keenayo mooshin ka dhan ah Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh ayaa waxa ay ahayd fariin qoraale ah oo xalay taleefoonada loogu direy xildhibaanada taasi oo u qorneyd “Talaada ah 11/11/2014 wuu jiraa shirka baarlamaanka ajendaha : Motionka xukuumada iyo qodobo kale”

Markii uu waagu baryay maanta waxa ay maalinta ku bilaabatay ciidamo tiro badan oo la dhoobey agagaarka iyo hareeraha guriga baarlamaanka, kuwaasi oo ka badan intii caadiga ahayd. Waxaa sidoo kale yimid saxaafad aad u tiro badan oo isagu jirta mida gudaha iyo dibada.

Markii ay xildhibaanada bilaabeen in ay baarlamaanka soo gaaraan ayuu durba jawiga is badalay, iyada oo uusan kulanka bilaabanin ayay xildhibaanada bilaabeen in ay murmaan, buuqaan, qaarkood ayaa waxa ay wateen firimbiyo ama seeri kaasi oo ay afuufayeen si aanan la’isu maqlin.

Waxaa la qaatay diiwaankii baarlamaanka si aanan loo xaadirinin xildhibaanada, xogheynta baarlamaanka ayaa kadib keentey diiwaan kale, balse isna waa la qaatay mar labaad, taasi oo buuqa cirka kusoo shareertey.

Xildhibaanada qaarkood waxa ay wateen boorar ay ku qoranyihiin erayo ay ka midyihiin “No Vote For Cash” iyo “Maya mooshin lacag ah”, iyaga oo labada dhinac ay faraha isku taagtaagayeen.

Kadib guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa soo gaaray xarunta, balse xildhibaanada ayaa ku hooriyey, kuna buuqey, waxaana u suurtogali weysey in uu shirka furo, wuxuuna ku qasbanaaday in uu baarlamaanka isaga boxo oo uu tago xafiiskiisa, mar labaad ayuu soo laabtay, hadane sidii oo kale ayaa dhacday.

Waxaa baarlamaanka soo gaaray taliyaha booliska gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Madaale, kaasi oo xafiiskiisa kulan kula yeeshey xafiiskiisa guddoomiyaha baarlamaanka, balse markii dambe waa uu iska baxay taliyaha.

Markii maaro loo waayay buuqa oo ay xaaladda faraha kasii baxayso ayuu Guddoomiyaha baarlamaanka ku dhawaaqay in uu xiranyahay kulanka baarlamaanka illaa amar dambe.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada

DSC_0061 DSC_0070 DSC_0102 DSC_0263 DSC_0225 DSC_0222 DSC_0194 DSC_0300 DSC_0110 DSC_0130 DSC_0311 DSC_0315 DSC_0160 DSC_0188 DSC_0382