U bood dhigaalka

Maxaa Sababay Sara U Kaca Ku Yimid Qaraha?

Sheeko:Amniga

Xilliyada kuleelaha waxa aad u bata isticmaalka Cabitaanada kala duwan, kuwaas oo ay dadku shiitan si ay ugu haraad baxaan.

Qaraha waxa uu ka mid yahay cabitaanada fudud ee sida aadka ah loo isticmaalo waqtiyada kuleelada ay jiraan, waana cabitaan muhiim u ah nolosha aadanaha.

Maalmihi la soo dhaafay waxaa suuqyada magaalada Muqdisho sare ugu kacay qiimi la iibinayay qaraha taas oo ka dhalatay Isticmaalkiisa oo batay.

Qaar ka mid ah ganacsatada iibisa ayaa sheegtay in sare u kaca qaraha ku yimid ay sababeen Isticmaalkiisa oo bata iyo roobabka oo ka curtay gobalada dalka qaar taas oo suura gelin weyday in uu fududaado Isku socodka gadiidka qudaarta keena.

Goobjoog  oo booqatay suuqyada magaalada Muqdisho ayaa ganacsatada wax ka weydiisay isbadalka ku yimid cabitaanka qara.

Mid ka mid ah ganacsatada qaraha iibisa oo goobjoog la hadlay ayaa yiri” Horta qaraha farqi weyna u dhaxeeyo oo qaaliyuu noqday cambaha hadda raqiisay, markaan ka hadlo awal midka ugu yar $2.5 ayuu maraa  awalna $1.5 ayuu maraayay, midka weyna hadda $5 ayuu maraa”.

Ganacsatada ayaana walaac ka muujisay sara u kaca ku yimid qaraha.

Hoos ka daawo Warbixinta Qiimaha Qaraha lagu kala iibsado Magaalada Muqdisho oo kor u kacay.…

https://www.facebook.com/watch/?v=2013430912149910