Maxaa Shidaal looga waayay Ceelashii la qoday Sannadihii 1950 – 2013?

Dadka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin in lala socodsiiyo arrimaha ku saabsan khayraad ka waddan kooda. Waxaa badatay ku-tiri ku-teen iyo mala badan oo aan cilmiyaysanayn. Maanta wa in la gaaraa dhabta iyo salka arrimahaan. Maxaa keenay sannado tiro badan oo la sahmiyay shidaal, la qoday in la waayo shidaal la ganacsi-geyn karo?

Baaris Jiyofisikeed (Geophysical surveys): Hawsha ugu horrayso ee shirkad haysata ruqsado PSA da waxay tahay inay baaris sammayso, hubiso dhulka dhexdiisa inuu ku jiro shidaal. Hawshaas waa jiyofisika. Shaqo badan oo baaris ah: warbixinno jiyooloojik ah, baaris jiyofisikeed (gravimetric, magnetic iyo seismic) ayaa ka horraysay ceelal-qodidii laga sameeyay Soomaaliya. Adeegga seysmikada waxaa bixiyay shirkado badan kooda ahaa Ameerikaan, haba ugu horreysee Schlumberger. Shirkada haasi waa kuwii sammeeyay jidad ka toosan, oo maanta loo yaqaan jid-Ameerikaan, dhab ahaan na ah xariiqyo saysmikeed (seismic lines). Hirar jabaq ah (sound waves) ayaa baabuurro taayarro waaweyn leh oo gariir abuuri kara ayaa dhulka lakabyadiisa kala hooseeya dhex-marinaya hirar. Hirar kaasi way soo noqonayaan ayagoo ku socda xawaare kala duwan, oo calaamad u ah lakabyada dhulka dhex diisa ah. Waxaasi dhammaan ahaan waa la baroosees gareenayaa, oo ka gadaal la turjumayaa. Waxaa soo baxaya dhulka qaab-dhismeed kiisa: dagaxda dhali karta shidaalka, dhagaxda kaydin karta, dhagaxda dabooli karta shidaalka. Waxaa soo if-baxayaa meelaha laga raadin karo shidaalka iyo moolnimadiisa. Shirkadaha noocaan ah ujeedadooda waxay tahay inay caawinaan shirkadaha qaatay concessions ka ama Hashiiska Shidaal Raadinta iyo Soo-saarka Shidaalka. Hawshooda waxaa loogu talo-galay in la meeleeyo barta ceelka laga qodi doono, ceelka dherer kiisa, iyo lakabyada hadaf ka ah. Ceelashii ugu dambeeyay ee la qodo waa kuwii Dharoor, Puntland ee Africa Oil.

Ceelal Qodid (Well drilling): Shirkadaha heshiisyada ku jira waxay kensadaan shirkado ceelal-qodidda ku takhasusay. Soomaaliya waxaa laga qoday ceelal tiradoodu gaarayso ka badan 65 oo badan koodu berriga ah; kuwa tiro yarna badda ku yaallaan. 10 ceel way ka yar yihiin ceelaha badda laga dhex qoday. Marka laga darso dhanka Km2 inta ceel ku jirto, Soomaaliya cufnaanta tirada ceelasha aad iyo aad bay u hoosaysaa. Ceelashaas badan kooda waa laga waayay shidaal (dry), qaarna waxay lahaayeen wax muujinaya in batrool ama gaas (gas or oil shows). Ceelka Afgoi-1 ayaa 3 beri isku xigto la flare gareeyay oo laakiin damay; Coriolei-1 iyo Merca-1 xoogaa saliid (batrol) ayaa lagu arkay. Dhammaan tood mug ganacsi gali kara ma lahaynin.

Dhinaca Waqooyiga (Somaliland ama Puntland) kala barkii 1980 mayadii shirkadaha shidaalka way ku soo xoomeen ka dib markii shidaal laga helay Yemen oo isku jiyooloji yihiin gobollada waqooyi ee Soomaaliya. Shirkadda Texaco (Chevron), Conoco, Amoco iyo kuwa la mid ah waxay durbadiiba ku degdegeen hawsha saysmikada; si dhaqso ahna ceel-qodid u gudbeen. Conoco labo ceel ayay ka qodday Sool, waxayna u gudubtay Nugal-1 oo Garoowe laga qodayay. Chevron waxaa u socday qodidda Ceelka Zaylac koofur tiisa ahaa, mid kale na waa ku xigi lahaa. Laakiin amni-darrada iyo SNM hawsheeda ayaa soo korodhay. Dhinaca koofurta, waxaa socday Ceelka Mudun-1 ee shirkadda Amoco ay wadday. Hawlahaas dhammaan tood waxay istaageen ka dib Soomaaliya markay gashay xasilooni-darro iyo qalaanqal siyaasadeed sannadkii 1990.   

Su’aal: Haddaba, su’aasha muuqato in lays weydiiyo waxay tahay, “Ceelasha la qoday maxaa looga waayay shidaal: saliid dareere ah ama gaas hawo ah oo gali kara ganacsi? Jawaabta su’aashaas waxay salka ku haysaa arrimahaan:

  1. Jiyoolojik model ka laga fahmay dhulka inuu ku sammaysmay. Sannadihii ugu horreeyay hadafyada inta badan waxay ahaayeen dhismooyin saabab (anticlines structures) ama meelaha qaar faults ah. Mar kasta ceelasha waxaa hadaf u ahaa in laga dul-qodo dhismayaasha saableyda ah (anticline ama faults). Sydney Barnes (Jiyoolojistihii ka mas’uulka ahaa hawlihii baarista shidaalka Shirkadda Sinclair) marku dib-u-eegid ku sammeeyay sababta ceelasho shidaal looga waayay wuxuu yiri, ‘Waxaa ka fiicnaan lahayd annagoo shidaalka ka raadina stratigraphic traps oo ah meelaha uu iska beddelo dhagaxa noociisa. Wuxuu ku qirtay qoraal kiisii AAPG 1976.
  2. Waxaa la qaatay jiyooloojik model khalad ah. Soomaaliya waxay ka sammaysan tahay shidaal-qabatiinno (petroleum basins) kala duwan oo dhismahoodna ku salaysan fikrado joolojiyeed kala duwan. Tusaale ahaan, shidaal-qabatiinka Mandheera-Luuq (Mandhera-Lugh Basin) waa rift basin; Shidaal-qabatiinka Xeebaha waa Passive Margin iyo wax la mid ah.
  3. Ceelal badan oo la qoday may gaaraynin dherer kii (moolnimada) loo baahnaa, waxaana ka mid ah Hobyo-1, oo aan gaarin Jurassic/Triassic – sida Adigrat Formation, oo lagu tuhmo inuu yahay lakab shidaaleed.
  4. Marar badan waxaa muuqday in la isticmaalay xogo saysmikeed (seismic data) oo khaldan.
  5. Waxaa kaloo muuqatay in laga qoday ceelasha qaarkood meelo khaldan, oo aan ku habboonaynin in lagu meeleeyo ceelka shidaalka.

Soomaaliya shidaal la’aan miyaa?

Caddayn kasta oo ah inuu shidaal ku jiro Soomaaliya ayaa la hayaa, marka laga fiiriyo dhinaca seeps (siimowga shidaal) ka, iyo jiritaanka petroleum system iyo waxa uu u baahan yahay. Hayeeshee fahamka tadhawurka dhulka iyo siduu ku sammaysmay ayaan la garanin sidii la rabay. Markii la baaray badda koofureed, ayaa joolojiyiinta xoogaa la fahmay. Weli way socotaa in la sii fahmo dhulkaan qaabka uu sammaysmay.

Waxaa kaloo isbeddelay arrimaha shidaalka ee Geeska Afrika. Waxaa shidaal laga helay:

  1. Degmooyinka Wardheer-Shillaabo ee Ethiopia. Dhul kaasi waxay jiyooloji-wadaag yihiin Galmudug ee bartamaha Soomaaliya. Dhawaan waxaa shidaal laga helay Ceel Qoran, Ethiopia ee Bakool ka soo horjeeda.
  2. Dhinaca kale, badda koofureed iyo xeebaha waxay la wadaagaan qaab-dhismeedka badda Kenya ee Lamu ka koofursan. Taasna shidaal ayaa laga helay.
  3. Baaristii u dhexaysay 2015-2017 kii ee badda Soomaaliya waxay dabool ka qaadeen 3 shidaal-qabatiino (petroleum basins) oo ah kan Jubba (badda Kismayo), kan Barawe iyo kan Galmudug. Saddexda waxaa lagu qiyaasay inay ku jiraan 30 bilyan ee fuusto shidaal ah. Qiyaastaan waxaa lagu caddayn karaa oo kali ah in la qodo meelahaas oo batrool ka laga soo saaro.

 Rajo iyo yididiilo cusub:

Shaqada casriga ah ee laga qabtay dhanka daraasaad ka badda koofureed ee Soomaliya waxay gelisay shacab ka Soomaaliyeed rajo cusub iyo yididiilo. Dhawaan waxaa la rajaynayaa in shidaal laga helo badda Soomaaliya, haddii shirkado lala galo heshiisyo PSA ah oo qoditaan billaabmo. Waxaa in badan isbeddelay dhawaanahan teknoolojiyada baarista iyo qodidda taasoo sababi karta in Soomaaliya shidaal laga helo. Midda kale waa arrin siyaasadda ku xiran: Soomaaliya waa in xasilooni siyaasadeed ku baahdaa taasoo shirkadaha maalgelinta sammaynaya aad ugu baahan yihiin.

W/Q: Prof Cabdulqaadir Abiikar Xuseen; Hormuud (Dean), Kulliyadda Jiyosaynis & Bii’ada ; Jaamacadda Benadir, Muqdisho, Somalia; dean-geoscience@bu.edu.so; qaadir.abiikar@hotmail.co.uk;

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW