U bood dhigaalka

Maxaa u Qabsoomay Dowladda Federaalka Todobaadkii Aynu Kasoo Gudubnay (War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

DhuxuloowMogadishu, 03 January 2015 – Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Ansixinta Miisaaniyadda 2015, Dar-dargelinta Maamul Wanaaga, Xoojinta Xiriirka Somalia iyo Masar, Dilka & Qabashada Horjoogeyaal Al-Shabaab ka tirsan, Shirkad Ceymis ah oo la furay, Al-Shabaab oo laga xoreeyey goobo cusub, iyo Ra’iisul Wasaaraha oo dhiirigeliyey Ciidamada XDS.

Ansixinta Miisaaniyadda 2015

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa ku bilaabay ansixinta Miisaaniyadda 2015 ayaa yiri “Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 31kii December ansixiyay miisaaniyad sanadkeedka 2015, kaasoo ay baarlamaanka maalmo ka doodayeen, iyadoo wax ka bedel lagu sameeyay Miisaaniyadii ay Wasaaradda Maaliyadda soo gudbisay. Miisaaniyada sanadka 2015 waxay qiyaastii gaareysaa USD 239.9 Milyan (Labo boqol sodon iyo sagaal, dhibic sagaal milyan oo doolarka Mareykanka). 148 mudane ayaa ogolaatay miisaaniyada, 9 mudane ayaa diidan, halka 5 xildhibaana ay ka aamuseen. Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar oo gaba-gabadii ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sheegay in Miisaaniyada ay tahay mid ansax ah oo sanadka 2015 dhaqan gal ah. Sii hayaha xilka Wasiiru Dowlaha Maaliyada C/llaahi Maxamed Nuur ayaa markii la ansixiyay Miisaaniyada waxaa uu uga mahad celiyay sida wanaaga ku jira ee ay u meel mariyeen, waxaana uu soo dhoweeyay talooyinkii Xildhibaanada ay siiyeen ee ku saabsanaa Miisaaniyada sanadka 2015.”

Dar-dargelinta Maamul Wanaaga

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey dar-dargelinta Maamul Wanaaga ayaa yiri “Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda ayaa 27kii December 2014 waxaa loo furay tababar 3 cisho ah oo uu bixinayey xafiiska Hanti-Dhowrka guud ee Qaranka. Ujeedada tababarkan ayaa ahaa sidii loo dar-dargalin lahaa Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa. Hanti dhowraha guud ee Qaranka Mudane Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay inay ka go’an tahay in la hagaajiyo maamulka dowladda Soomaaliya. Tababarkan la siinayo Agaasimayaasha ayaa qeyb ka noqonaya dadaalada dowlada Soomaaliya ay ugu jirto hagaajinta mamaul Wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.”

Masar iyo Somalia oo xiriirkooda xoojinaya

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa yiri “Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa booqasho rasmi ah ku tagey dalka Masar 29kii December isla markaasna uu Somalia ku soo laabtay 31kii December. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Masar Gen. Cabdifataax Al-Siisii iyadoo ay goob joog ahaayeen wasiiro labada dhinac ka socda. Dowladda Masar iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la sii xoojiyo xiriirka qotada dheer ee labada dal ka dhaxeeya iyadoo la isla gartay in guddi farsamo ee labada dhinac ah ay ka wada shaqeeyaan fulinta go’aanada la isla gaaray. Masar ayaa ballanqaaday inay Soomaaliya ka taageerayaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo wax soo saarka Soomaaliya, iyadoo weliba ay Masar ay sheegtay inay dhanka Jaamicadda Carabta kala shaqeyneyso sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka dib u dhiska dalka.”

Dilka & Qabashada Horjoogeyaal Al-Shabaab ka tirsan

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Dilka iyo Qabashada Horjeegeyaal Al-Shabaab ah ayaa yiri “29kii December 2014 ayaa horjoogihii sirdoonka & Madaxii Amniyaadka ee Al-Shabaab Cabdishakuur (Tahliil) waxaa lagu dilay weerar duqeynta cirka ah meel 25km u jirta Saakow. Waxaa sidoo kale lagu dilay goobtaas 2 qof oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo magacyadooda aan weli la shaacinin. Dhanka kale Horjoogihii hore ee kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Sirdoonka Sakariye Ismail Xirsi ayaa waxuu ku jiraa gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay Dowladdu ka soo saari doonto warar dheeraad ah, marka ay hay’adaha amniga dhameystaan baaritaankooda.”

Shirkad Ceymis ah oo Somalia laga furay

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey furitaanka shirkad Caymis ah ayaa yiri “Dowladda Federaalku waxey soo dhoweyneysaa furitaanka Shiradda Ceymiska Islaamiga ah oo ganacsato Soomaaliyeed ay fureen. 29kii December 2014 ayaa Munaasabadii furitaanka ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo ganacsato. Tanoo ah markii ugu horreysey oo Soomaaliya laga hirgaliyo shirkad ceymis muddo 24sano ka dib. Shirkadda Caymiska Islaamiga ah ayaa soo bandhigtay Barnaamij ka hadlaya Qorshahooda ku Aadan howlaha shaqo ay bulshada u qabanayso iyadoo ujeedadu tahay in shacabka Soomaaliyeed laga haqab tiro howlaha ceymiska. Guddoomiyaha Shirkadda Caymiska Islaamiga Maxamed Cabdi Maxamed ayaa sheegay in shirkaddan ceymiska ay xiriir la leedahay shirkaddaha ceymiska adduunka, shaqada ay shacabka u qabaneysana ay yihiin kuwo wax weyn ku soo kordhin kara ganacsiga dalka. Sii hayaha Xilka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheeel oo ugu dambeynti soo Xiray munaasabadda ayaa Amaanay Dadaalka shirkadaas Ganacsato Soomaaliyeed ay Dalka uga hirgaliyeen Isagoo kula taliyay in Dalka oo Dhan la gaarsiiyo Adeega Caymis Ee Shirkadda.”

Al-Shabaab oo laga xoreeyey goobo cusub

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey xoreynta goobo cusub ayaa yiri “29kii December 2014 Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa la wareegay deegaanno hoosyimaada Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo lagala wareegay argagaxisada Al Shabaab, iyadoo si weyn ay u soo dhaweeyeen shacabka, waxaana howlgalka Ciidamada ay weli ka wadaan gobolada shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan. Goobaha ciidamada ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Deegaanada Xero lugoole, oo 27 KM u jirta deegaanka Fiidow, Jar, Raaxaale, Janbiley, Buurweyn, Miir gab, iyo Afcad, kuwaasi oo hoos yimaada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Ujeedada ayaa ah in la isku furo magaalooyinka Muqdisho iyo Bula Burde oo Al Shabaab ay go’doomiyeen dadka reer Bula burde islamarkaana ay u diideen waxyaabaha muhiimka u ah nolosha Aasaasiga ah. Sidoo kale waxaa bar bar-socda howlgalka gaarsiinta deeq gar-gaar ay ugu talo gashay Dowladda Soomaaliya dadka ku dhaqan degmada Bula burde oo dhibaatooyin xaga nolosha ah la daalaa dhacaya, taasi oo wax badan ka badali doonta xaaladda dadka ku dhaqan degmadaasi.”

Ra’iisul Wasaaraha oo dhiirigeliyey Ciidamada XDS

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey dhiirigelinta ciidamada ayaa yiri “28kii December 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Isbitaalka ciidamadda XDS. Waxaana kormeerka ku weheliyey Sii-hayaha Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga S/G Daahir Aaden Cilmi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xarunta Wasaaradda Gaashandhiga kula kulmay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, isagoo sidoo kalena kormeeray qeybaha Wasaaraddu ka kooban tahay iyo Isbitaalka Xoogga. Taliyaha Ciidanka Xoogga oo warbixin siinayey Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay sameeyeen isbedello la taaban karo oo 3,000 oo ciidanka ka tirsan shaqadii laga fariisiyey ka dib markii ay gudan waayeen howlihii loo igmaday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay ciidanka dadaalkooda difaaca dalka iyadoo aysan helin xaquuqihii ay istaahileen, haddana ka codsaday inay dalkooda iyo shacabkooda u shaqeeyaan, ballanqaadayna in Dowladdu ay mudnaan gaar ah siin doonto ciidanka iyo daryeelkoodaba.”

DHAMAAD – Wasaaradda Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha, [email protected]