U bood dhigaalka

Maxaa Xiga Iscasilaadda Raysalwasaaraha Ethiopia?

Sheeko:Dalka

Raysalwasaarihii Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa maanta warqaddiisii iscasilaadda gudbiyey. Iscasilaaddan la yaab ka ah ee Raysalwasaaraha Ethiopia ayaa ku soo beegmaysa xilli uu waddanku wajahayo buuq iyo jahwareer siyaasadeed.

Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan xabsiga ka sii daysey boqolaal maxaabiis siyaasadeed ah oo ay ku jiraan qaar amid ah mucaaradka waddanka ugu caansan. Siideyntan siyaasiyiinta iyo weriyayaasha oo ay badankoodu ka soo jeedaan qowmiyadda Oromada ee dalkaas ugu badan ayaa lagu soo dhaweeyey dabbaaldeg iyo farxad.

Maxaa uu Raysalwasaaruhu isku casiley?

Iscasilaadda Raysalwasaare Hailemariam Desalegn oo dad badan amakaag ku noqotay waxa sabab u ah dibadbaxyada iyo xasilooni la’aanta siyaasadeed ee waddanka Ethiopia hareeyey muddooyinkii la soo dhaafay.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay muddaharaadyo gacan-ka-hadal isku beddelayey oo Ethiopia ka bilaabmay sannadkii 2015. Sababta dibadbaxyadani u bilaabmeen waa in dawladda Ethiopia qorshaysay inay fidiso xuduudda magaalada Addis Ababa iyada oo khatar gelisey dhulka Oramadu ku nooshahay. Qoymiyadda Oromada oo isdareensiisay inay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba ku dulman tahay nidaamka Ethiopia iyada oo haddana ah tan ugu tirada badan waddanka ayaa bilawday dibadbaxyada dawladda lagaga soo horjeedo. Ka dib, qowmiyadda Amxaaradda ayaa iyana ku xigtey oo bilawday inay ka soo horjeesato xukuumadda hadda jirta.

Raysalwasaaraha Ethiopia oo maanta shacabka reer Ethiopia la hadlayey ayaa yiri “deganaansho la’aanta iyo dhibaatooyinka siyaasadeed [ee waddanka ka jira] ayaa sababay dhimashada dad badan iyo barakaca qaar kale”, waxa uu Raysalwasaaruhu intaas ku daray “Iscasilaaddayda waxa aan u arkaa mid muhiim u ah dedaalka loogu jiro in la sameeyo dibuhabaynno badan oo keeni doona nabad iyo dimuqraadiyad waarta.”

Raysalwasaaruhu waxa kale oo uu sheegay in uu si kumeelgaar ah xilka u sii hayn doono inta Xisbigiisa iyo Baarlamaanka dalku ay ka aqbalaan iscasilaaddiisa, Raysalwasaare cusubna u soo dooranayaan.

isku soo duub oo waxa muuqata in sababta uu Raysalwasaaruhu isku casiley ay tahay buuqa siyaasadeed ee waddankiisa beryihii ugu danbeeyey ka jirey kaas oo mugdi geliyey mustaqbalka waddanka Ethiopia oo ah waddanka labaad ee Africa ugu tirada badan iyo weliba mid kamid waddamada ugu dhaqaale koboca badan qaaradda.   

Maxaa xiga iscasilaadda Raysalwasaaraha?

Sida aan kor ku soo sheegnay Ethiopia waxa ay sannadihii ugu danbeeyey wajahaysey culays siyaasadeed iyo deganaansho la’aan. Labada qowmiyadood ee waddanka ugu badan, Oromada iyo Amxaarada, ayaa dawladda ku kacay iyaga oo u arkayey mid u shaqaysa qowmiyadda Tigreega ee tirada yar. Raysalwasaaraha hadda iska casiley kursiga Raysalwasaaraha waxa badi dadweynaha reer Ethiopia u arkayeen mid ay ku şhaqayştaan Tigreegu oo danahooda ku fushadaan isla markaana aan itaal sidaa u sii buuran lahayn.

Sida muuqata, Xisbul-xaakimka talada Ethiopia gacanta ku haya iyo weliba ruugcaddaaga siyaasadeed ee daaha dabadiisa ka taliya waxa ay arkeen inaanay xoog ku maquunin karayn isla markaana ku aamusin karayn dadka mucaaradka ku ah siyaasaddeeda. Sidaasi awgeed, waxa ay bilaabeen inay siyaasaddoodii adadayga badnayd wax ka beddelaan.

Dawladda Ethiopia iyada oo isbeddelkan hirgelinaysa isla markaana siyaasad ahaan soo debcaysa ayay ku dhawaaqday in ay sii deyn doonto maxaabiista siyaasadeed ee kumanaanka dhaafaya, ballanqaadkaasna waa ay fulisey ka dib markii Oromadu ay aad u muddaharaadeen iyaga oo dalbanaya siideynta maxaabiista siyaasadeed ee qowmiyaddooda ka soo jeeda. Waxa sidoo kale ayaamihii la soo dhaafay waddanka Kenya wadahadal uga socdey jabhadda ONLF ee xoraynta Ogadenia iyo Xukuumadda Federaalka Ethiopia. Wadahadalkan ayaa la sheegay in xukuumadda Ethiopia ay ku doonayso soo xeragelinta jabhaddan in muddo ah dagaalka kula jirtey.

Ugu danbayntii, iscasilaadda Raysalwasaaruhuna waxa ay sida la filayo qayb ka tahay qorshe ay dawladda Ethiopia ku doonayso inay ku xalliso dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxa dalka Ethiopia gudihiisa la isla dhexmarayey in Raysalwasaare cusub oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda loo dooran doono jagada Raysalwasaaraha iyada oo looga gonleeyahay in qowmiyaddaas lagu dejiyo. Haddii ay tani run noqoto, oo isbeddel dhab ah uu ka dhaco xisbiga talada haya dhexdiisa, waxa la saadaalinayaa in siyaasadda Ethiopia ay ugu yaraan degi doonto. Haddiise jagada Raysalwasaaraha lagu buuxiyo qof u shaqeeya qowmiyadda Tigreega oo aan awood fiican lahayn, isla markaana waddanka aan laga samayn isbeddel siyaasadeed oo ballaadhan isla markaana dhab ah, lana xallin waxyaabaha tirada badan ee mucaaradku ka cabanayo, waxa mugdi geli doona mustaqbalka Ethiopia iyada oo xaaladda waddanku gacanta ka bixi karto ayna adkaan doonto xal-u-helidda dhibaatada siyaasadeed ee dalkaas.

Isku soo duub oo xalka waddanka Ethiopia iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed waxa uu hadda ku jiraa iyada oo uu dhaco isbeddel kor ilaa hoos ah oo meesha lagaga saarayo nidaamka adadag ee hadda ka jira dalkaas, iyada oo la unkayo nidaam cusub oo ilaalinaya xuquuqda aadamaha, mucaaraddada iyo xorriyatul-qowlka.

Goobjoog News