U bood dhigaalka

Maxaabiista Xabsiga Dhexe Oo Xirfado Kala Duwan Labaro

Sheeko:Dalka

Dhallinyarada ku jira Xabsiga Dhexe ayaa waxaa la baraa farsamooyinka kala duwan ee wax soo-saarka gacanta, waxaana lagu baraa warshadda wax-soosaarka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku dhextaallo dhismaha Xabsiga dhexe.

Warashaddan ayaa dib loo howlgaliyey waxaana lagu baraa dhallinyada, Sameynta sariiraha Jiifka, Qalabka xafiisyada,Dhismaha iyo Harqaanka.

Cabdullahi Xuseen Faarax waxaa lagu xukumay muddo shan-sano oo Xabsi ah, waxaa uuna ka mid yahay maxaabiista lagu tobabaro Xabsiga dhexe, kuwaasi oo la baro farsamada gacanta, waxaa uu Goobjoog News uga waramay sida ay wax u soo-saaraan.

“Waxyaabaha aan soo saarno aad ayey ufaro badanyihiin, waxaan soo saarnaa jiifafka, kuraasta iyo qalabyada xafiisyada “.

Taliye ku xigeenka hoggaanka warshadaha iyo beeraha ee ciidamada Asluubta Gaashaanle sare Maxamed Cabdulle Cali ayaa sharraxaya sida dhallinyarada loogu tababaro xabsiga dhexe waxaa uuna yiri.

“Makiinadahan waa kuwa wax lagu baro maxaabiista, waxa ay soo-saaraan waa sariiro, kuraas, daaqado waxwalba oo la xiira jiifka iyo qalabyada xafiisyada ayaa halkan lagu sameeyaa”.

Dhallinyaradan ayaa rajadooda waxaa ay tahay marka ay dhameystaan mudada xabsiga in ay xirfaddan  ku shaqeystaan sida uu u sheegay Goobjoog News Cabdiraxmaan Xasan Axmed oo ka mid ah dhallinyarada ku jirta Xabsiga Dhexe.

“Halkan waxaan ka shaqeyneynaa muddo saddex sano ah waxyaabo badan ayaa nalku baray oo ay ka mid yihiin sameynta kuraasta, Jiifafka iyo qalabyada xafiisyada markii hore waxba kama aqoon farsamada gacanta, balse maanta waxaan ku rajo weynahay in haddaan magaalada tago aan ku shaqeysan karo”.

Waxaa jira qeyb maxaabiista lagu baro xisaabaadka waxaa uuna sheegay Gaashaanle sare Maxamed Cabdulle Cali in ay ka mid tahay tobabarrada aqoon karorsiga ee maxaabiista loogu talo galay waxaa uuna yiri.

“Waxbarashadaan waxaa loogu talo galay aqoonta xisaabaadka in laga dhiso dhallinyarada xabsiga dhexe, waxaa jira macalimiin dhigta waana Iskuul caadi ah, qeybtaan waa qeybta waxbarashada caadiga ah ee xabsiga dhexe”.

Qarashaka lagu iibiyo Alaabta ay soo-saaraan dhallinyarada Xabsiga Dhexe waxaa loo qorsheeyay in qeyb ka mid ah ay dhallinyarada waalidkood ay dib ugu diraan.

Goobjoog News