U bood dhigaalka

Maxaabiista Xabsiga Gaalkacyo Oo Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka Asluubta Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdinuur Cali Nuur ayaa ku baaqay in gargaar lala soo gaaro maxaabiista ku jirta Xabsiga Magaaladda Gaalkacyo.

Waxa uu taliyaha ku sheegay arrintan mid si weyn uga jirta xabsiga isla markaana uu codsanayo in maxaabiistaasi lala gaaro gurmad beni’aadnimo oo ay iminka u baahan yihiin.

Maxaabiistani ayaa laga deyrinayaa xaaladdooda nololeed mana heystaan raashin ku filan iyo adeegyo caafimaad.

Haddii maxaabiistan aan lala gaarin raashiin iyo gurmad caafimaad waxaa laga yaabaa in xaaladooda ay halis gasho xilli lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Xabsiga Gaalkacyo waxaa ku xiran maxaabiis dambiyo kala duwan galay, waxaana maxbuuska xaq u leeyahay inta uu xiran yahay in noloshiisa la damaanad qaado.

Goobjoog News