U bood dhigaalka

Maxaad Kala Socotaa Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Horseed Sports Club VS Heegan Sports Club.

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha hoos yimaada ciidmada booliska iyo milatariga ee kala ah Horseed Sports Club iyo Heegan Sports Club ayaa is wajahaya kulanka ka tirsan horyaalka Somalia Premier League xili ciyaareedka 2018-2019.

Xidigaha Horseed Sports Club waxa ay kulankii u danbeeyay horyaalka ka badiyeen kooxda xafidanaysa horyaalka Somalia Premier League ee Dekedda ka dib markii ay kaga adkeen 1-0,Horseed waxa ay fadhisaa kaalinta 2-aad ee kala horeynta waxayna lee dahay 14-dhibcood.

Kooxda Heegan Sports Club iyagana ciyaartii u danbeeyay horyaalka waxa ay 4-0 kaga adkaadeen dhigooda Midnimo,xidigaha Heegan waxa ay fadhiyaan booska 3-aad,iyagoo leh 12-dhibcood.

           Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor
-Tababaraha Kooxda Horseed Cabdi Joon Baraxoow sanadihii lasoo dhaafay tartamada gudaha waxa uu kooxda Heegan kaga hor tagay,isagoo hogaaminaya kooxaha Dekedda iyo Elman,inkastoo markale isaga uu laylinaya Horseed uu ka wajahayo kooxda ciidan booliska ee Heegan.

15 December 2015-Kooxaha hoos yimaada hogaanka Ciidamada Booliska iyo Milatariga ee kala ah Heegan iyo Horseed waxaa sooyaalka tariikhdooda ku qoran in ay noqdeyn labadii koox ee igu horeesay kulankooda si toos ah am (LIVE) looga daawo #Telefinshada kulan ay wada dheeleyn fiinaalka koobka Jeneraal Daa’uud waxaana sanadii 2015 koobka 2-1 ku hantay xidigaha kooxda Horseed.

-Macalimiinta kala horkacaysa labada dhinac ee kala ah Cabdi Joon Baraxoowiyo Mansuur ayaa kolkii kowaad iskaga hor imaandoona tartamada maxaliga ee kubbadda cagta Soomaaliya,inkastoo Tababare Mansuur oo kasoo joodo Uganda.

-Xidigihii Soomaaliya sanadkii hore 2018 soo gaarsiiyay kaalinta 2-aad ee kala sareynta koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika tartankii ka dhacay Burundi ayaa iyaga qodhooda kasoo muuqandoona kulanka xiisaha badan ee u dhaxeeya kooxaha ciidamada Booliska iyo Malatariga.

Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox
06/03/2018 Horseed 0:0 Heegan Sports Club
29/04/2018 Heegan 1:0Horseed
11/03/2016 Horseed 1:2 Heegan
05/01/2016 Heegan 2:2 Horseed
26/03/2015 Horseed 1:0Heegan
26/12/2014 Heegan 4:0 Horseed
19/10/2012 Heegan 1:0 Horseed
03/07/2012 Horseed 2:2Heegan Sports Club

Ogeysiiska Ciyaarta
Tartanka:-Horyaalka Somalia Premier League
Taariikhda:-22/03/2019
Maalinta:-Jimco
Kooxaha:-Horseed VS Heegan
Saacadda:-3:45 PM
Garoonka:-Banaadir Stadium
Maxamed Xuseen Qalinle