U bood dhigaalka

Maxaad Ugu Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Kulanka Kooxaha Horseed Iyo Dekedda

Sheeko:Cayaaraha
Kooxaha kubbadda cagta Horseed iyo Dekedda ayaa leh kulanka ugu xiisaha badan todobaadkii lixaad horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2018-2019.

Xidigaha Horseed kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Midnimo,Horseed waxa ay ku jirtaa kaalintaan 2-aad ee kala horeynta,iyagoo leh 11-dhibcood.

Dekedda kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 1-0 kaga adkaatay xidigaha Elman Sports Clubwaxayna fadhiyaan booska 1-aad ee kala sareynta, iyagoo leh 13-dhibcood.

                     Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor
20-October 2016-Maamulka Kooxda Dekedda ayaa shaqada ka joojiyay Macalin Cabdi Joon gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha waxa badi isku raaceyn in Cabdijoon oo kooxda keenay kaalin wanaagsan,isagoo kalaamaha 4aad iyo 2-aad ku dhameysatay horyaalka Somali Premier League.

24-October 2016- War saxafadeeda kasoo baxay maamulka kooxda Dekedda ayaa lagu cadeeyay inYusuf Ali Nuur Yuuali loo magaaabay xilka macalinimo ee naadiga wuxuuna booskaa ka badlay Tababare Cabdi Joon.

14-April 2018-Macalin Cabdi Wali Maxamed (Cabdi Joon) ayaa dib ugu laabtay hogaaminta kooxda ciidan xooga dalka ee Horseed,isagoo horay u soo maamulay waxaana lagu xasuusta waqtigii uu joogay Horseed in uu soo saaray ciyaartooyda da’yar ah kuwaas kaalin wanaagsan ka qaatay tartamada maxliga ee gudaha.

30-December 2017-Tababare Cabdi Joon Baraxoow oo hogaaminaya kooxda Elman-Sports Club ayaa kooxdiisii hore Dekedda ka qaaday koobka Somali Super Cup 2017 maadaam kooxaha Dekedda iyo Elman ay sanadkaa kala hanteyn horyaalka iyo koobka Jeneraal Daa’uud.

Hogaamiyaasha labada kooxda Yusuf Ali Nuur Yuuali iyo Cabdi Joon  waxa ay ka mid yihiin tababarayaasha ugu wanaagsan gudaha,iyagoo u soo wada ciyaaray kooxda ugu guulaha kubbadda cgata dalka ee Elman-Sports Club.

Daa Uud Tubaal,Abdi Aziiz Catoosh iyo Feysal Xaashi ayaa kooxda Dekedda kula guulaystay horyaalka Somali Premier League iyo koobka Somali Super Cup waxayna ka mid yihiin halboolayaasha safka kooxda waxayna Dekedda ku haystaan taageerayaal badan oo kala soo guurayLlpp Jeenyo.

Maxamuud Cabdi Nuur  iyo Xasan Cabdi Nuur ayaa iyagana ka mid ahaa safka kooxda Horseed iyagoo wajahay saaxiibadii ay waqtiga wanaagsan kusoo wada qaateyn kooxdoodii hore ee LLPP Jeenyo Football Club.

#Cabdullahi Cali Bile ayaa ka hor tagaya kooxdiisa hore ee Dekedda,isagoo ka mid ahaa laaciibintii Dekedda la hantay horyaalka Somalia Premier League labadii sano ee lasoo dhaafay wuxuuna iminka ka tir sanyahay kooxda Ciidanka xooga ee Horseed.

Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox
26/02/2018 Horseed 0:0Dekedda
21/04/2018 Dekedda 2:2 Horseed
21/02/2017 Dekedda 1:2 Horseed
11/01/2016 Dekedda 2:0Horseed
17/03/2016 Horseed 2:2Dekedda
05/01/2015 Horseed 0:1Dekedda
02/04/2015 Dekedda 4:0Horseed
17/07/2012 Horseed 2:1Dekedda
31/10/2012 Dekedda 2:2Horseed
Ogeysiiska Kulanka
Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2018-2019
Kooxaha:-Horseed VS Dekedda
Maalinta:-Khamiis
Taariikhda:-14-03-2019 Saacada:-3:45pm
Cimiladda Xiliga Ciyaarta: -31°/26°C
Maxamed Xuseen Qalinle