U bood dhigaalka

Maxaan ka barannay Hanaanka hay’adaha dowladda?

Sheeko:War

Waxaan halkaan ku soo koobaynaa dhowr cashar oo kookooban oo aan ku cabirayno waxyaabaha laga baran karo hanaanka hay’adeheenna Dowladda iyo sida ay u shaqeeyaan. Cashiradaani waxaa ay fikir guud ka bixinayaan xaalka ama heerka hay’adaha Dowladda, caqabadaha soo foodsaara badanaa, xalalka caqabadahaas, sida ugu haboon ee looga hortagi karo ama loo xalinkaro, sidoo kale fursadaha muuqda iyo kuwa dahsoon ee ay ka faa’iideysan karaan hay’adaha dowliga ah.

Qoraalkaani si toos ah iyo si dadban midna uma taabanayo hay’ad dowladeed iyo shakhsi ama ashkhaas gaar ah kuwaas oo lagu xusay magacyadooda halkaan. Sidaa daraadeed ma jirto cid si khaas ah loogula jeedo. Waxaan kaliya soo gudbineynaa waaya’aragnimadeena intii yareyd ee aan howlaga qaranka ku dhex jirnay.

  • Casharka koobaad; Taariikhdu waxay na bartay in nidaamka dowladnimada aan lagu baran fasallada diraasada iyo jaamcadaha midna, laakiin ay tahay howl u baahan ku dhex korid, khibrad iyo fahan, ayna ku adagtahay qof aan kusoo dhex barbarian amaba aan kusoo dhex jirin nidaamka dowladda inuu fahmo alifka nidaam-dowladeedka. Tani waa sababta keenta inay cuuryaamaan hay’adaheenna dowladda oo ay inta badan hogaanka u qabtaan dad aan ku soo dhex jirin nidaamka dowladeed, fahamkooda baahida hay’adduna uu koobanyahay. Dadka nuucaas ahi waxa ay inta badan afka ka sheegaan in ay is badal samaynayaan, laakiin is badalkooda kuma dhisna cilmi iyo fahan waxaana hal beeg u noqda inay qof ka qaadaan xil mid kalena u dhiibaan, iyaga oo aanan darsin xaggee wax ka halaysanyihiin iyo xagay cilladu kaga jirtaa nidaamka.
  • Casharka labaad; Waxuu na baray in dhismaha nidaam fadhiya uu u baahayahay aragti kahor farsamo, ayna sahlantahay in farsamo la helo haddii aragtidu sugantahay lana yaqaanno meesha loo socdo. Badanaa way adagtahay in horay loo socdo haddii aysan aragtidu sugnayn hogaankuna uusan fahamsanayn meesha loo socdo si kaste oo fasramooyin cajiib ah la isugu keeno. Qorshe kaste wuxuu marka hore ka dhashaa aragti, arigtada ayaana loo sameeyaa u jeedooyin iyo himilooyin, himilooyinka ayaana ay ka dhashaan shaqa howleedyo leh waqtiyo xadidan iyo ashkhaas mas’uul ka ah. Hadaba, haddii ay aragtidii maqantahay wixi ka soo haray waxay noqonayaan ku tijaabi iyo in aan la hardanno dhagxaanta,
  • Casharka sadexaad; Waxuu na baray nidaamka dowladdu in inta badan hogaanka Hayadaha dowladda ay isaga qasantahay micnaha erayada iyo shaqada hoggaan, maamul iyo maamrayn (Leadership and Management). Sidaas darted waxaa badanaa la arkaa in madaxda ugu saraysa hay’adaha dowladda ay ku mashquulaan shaqooyinka loogu tala galay in ay qabtaan maareeyayaasha mashaariicda halka ay waqtigooda galin lahaayeen jeexidda siyaaddo guud, hagidda qorshayaasha, iyo ilaalinta nidaamka iyo sharciyada.
  • Casharka afraad; Waxuu na baray nidaamka dowladdu in haddii la rabo isla xisaabtan dhab ah in la sameeyo aan laga bilaabin hoos (top-downapproach) balse laga bilaabo kor (bottom-up approach). Tusaale, macne badan ma samaynayso in askari ama shaqaale hoose oo geystay fal kooban oo gurracan la xisaabiyo kadibna la xukumo iyadoo ama la xiro ama shaqada laga eryo islamarkaana uu jiro taliye, agaasime ama wasiir geysanaya fal gurracan oo ka saameynbadan kan uu geystay askari ama shaqaale hoose. Sidaa darteed, waxuu xalku yahay in marka horeba la saxo nidaamkii fududeeyay in takri fal uu dhaco lana xisaabiyo dadka majaraha u hayo nidaamkaas isaga ah.
  • Casharka shanaad; Waxuu na baray nidaamka dowladdu in nidaamyada kala duwana iyo hay’adaha ay dowladi ka koobantahay, ha noqdaan kuwa adeeg bixin, siyaasada, cadaalad ama amniba, aysan kala maarmin, hal mid oo ka mid ahna ay adagtahay in si kaligiis ah loo dhiso. Tusaale nidaamka adeeg bixin caafimaad, kama maarmo maaliyad iyo nidaam maaliyad oo dhisan si loo helo maal-galin adeeg caafimaad oo la isku halayn karo. Sidoo kale, adeeg caafimaad iyo mid maaliyadba kama maarmaan nidaam amni oo sugan si adeegga loo gaarsiiyo meel kaste oo bulshadu ku nooshahay. Saddexdaas nimaad midkoodna kama maarmo nidaam iyo adeeg garsoor iyo cadaalad si la isula xisaabtamo, loona xisaabiyo cid kaste oo ku tagri fal samaysa. Nidaamyadaas dhammaantood kama maarmaan nidaam wax barasho oo hagaagsan si loo helo xirfadleyaal caafimaad, dhaqaale, amni, garsoor iyo macalimiin wax tababara oo gudan karo shaqadooda sameynna kara cilmi baaris hagta toosinta nidaamyada dawladeed ee adeeg bixin.
  • Casharka lixaad; Waxaan ka baranay in aysan hay’adaha dowladdu ku shaqayn karin niyad wanaag oo kaliya iyo aaminaad shaqsi ee uu u baahanyahay in loo jeexo sharci iyo nidaam kala haga qof kastana xaquuqdiisa iyo waajibaadka lagu leeyahay qeexa, isla markaana leh hal beegyo lagu cabiro shaqo gudashada iyo howl fulinta.
  • Casharka todobaad: Waxaan ka barannay hanaanka hay’adaha dowladda in aysan qiimo badan soo kordhinayn siyaasado iyo qorshayaal qurqurux badan oo lagu qoro buugaag iskifaalaha/shelfigana la galiyo hadii aysan marka koobaad matalaynin baahida rasmiga ah ee bulshadu qabto isla markaan aysan ku salaysnayn mudnaanta sida ay u kala horreeyaan. Marka labaadna aan laga fakarin habkii, agabkii iyo cidii dhaqangelinlahayd intaba. Inta badan qorsheyaashaas quruxda badan, waxuu waqtigoodu dhamaadaa iyaga oo in wax laga fuliyo iska daaye la halmaamo in uu jiray qorshe, siyaasad ama sharci magacaas leh. 
  • Casharka sideedaad: Waxaan ka barannay hanaanka hay’adaha dowladda in marka shaqo qaran la hirgelinayo ay kaliya suurtogeli karto shaqadaasi kaliya hadii dhammaan inta ku lug leh aysan shaqadaas qaran ka lahayn dano gaar ah oo ay kaliya ulajeedada howshaas eegaan. Dadka howsha dowladeed loo igmaday oo howlaha ka eega danta guud oo kaliya waxaa ay soo dhoweynkarta qabsoomidda iyo dhameystirka howsha. Tusaale, hadii la doonayo in la dhiso xarun dowladeed waxaa qasab ah in dadka ka shaqeynayaahi ay ku talogalaan in aysan shaqadaas iyaka damac ka gelin ama aysan iyaku isku dulmin ama aysan cid kale ku dulmin. Hadii mid ka mid ah ulajeedooyinka aan kor kusoo xusnay ay meesha soogalaan waxaa sidoo kale soo galaya meesha caqabado kale. Howlo badan oo dowlada u qabsoomi lahaay ayaa u fashilma, u xayirma ama uu waqti badan uga lumaa dadka gacanta kuhaayo oo dano shakhsiyadeed ama mid kooxeed ka leh darteed.
  • Cashirka sagaalaad: Waxaan sidoo kale ka baranay la shaqeynta hay’adaha dowladda in ay ka mid tahay caqabadaha ugu waaweyn ee soo foodsaara hay’adaha dowlada lacag la’aan iyo lacag badni. Waxaa mararbadan dhacda in ay hay’ad dowladeed shaqeynweyso qarash la’aan ama qarash yari darteed. Sababta ay qarash la’aantu caqabad u tahay waa mid sahlan oo lawada fahmi karo maadaama dalkeenu uu kasoo kabano dagaal sokeeye oo muddo dheer uu kusoo dhexjiray sidaa darteedna kaabayaasha dhaqaale aan wali si wanaagsan looga faaiideysan sidoo kale kaalmada bini’aadannimo ay iska xadidantahay. Lakiin waxaa sidoo kale dhacda in hay’ad dowladeed la yiraahdo soo sheego qarash aad ku shaqeysid kadibna hay’addu ay gudbiso dhaqaale cayiman. Dhaqaalahaas marka la helo waxaa lagalaa “mawjado lacag badni ah” kuwaas oo keeni karta ku takrifal iyo in loo isticmaalo qarashaadkii suntanaa si aan waafaqsanayn nidaamkii lagu soo helay. Isticmaalka qarashkaas suntan waxaa dabataal xisaabcelin iyo baaritaanno ay badanaa qabtaan hay’ado madaxbanaan. Marka la ogaado in aan sidii saxda ahayn loo isticmaalay qarashkii la siiyay hay’adda waxaa timaada in aan dib dambe loo aaminin isla markaana aan si toos ah ayaka loogu dhiibin qarash ay baahidooda sidii ay doonaan ugu maareeyaan.

La soco qaybta danbe

W/Q: Dr. Axmed Aadam

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; [email protected]