U bood dhigaalka

Maxaan ku Dooran Lahaa Xasan Sheekh Maxamuud?

Sheeko:Qormooyin

Tan iyo markii ay bilowdeen ololaha doorashada madaxtinnimada dalka waxaan aad uga fikiray musharrax inoo qaban kara laba shaqo oo muhiim inoo ah xilligan adag. Midda koowaad waa boogdhayid, kalsooni soo celin, nabad raadin, Somali is jecel oo dhexdeeda heshiis ah, dunidana heshiis la ah. Tan labaad waa dhammeystirka hawlihii qabyada ahaa maadaama Farmaajo uu ku fashilmey qabyo-tirka mashruucii dowlad-dhiska ee socday.

Hawlahaas qabyada ah waxaa ugu muhiimsan xaqiijinta doorasho qof iyo cod ah, dhammeystirka dastuurka, federaalka iyo qalfooftiisa, mashruuca deyn cafinta, xasilinta siyaasadda dibadda, dhismaha ciidan qaran oo isku dhafan iwm.

Markii aan isbarbardhig iyo qiimeyn ku sameeyey musharraxiinta u taagan xilka ugu sarreeya dalka waxaa ii soo baxday in madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu yahay qofka shaqadaas inoo qaban kara xilligan adag.

Waxaan ku doortay saddex arrimood. Tan koowaad, waxa uu ka imaanayaa aragti madani ah (civilian mind), ma ahan qof xambaarsan fikradda militarinnimada, is maquuninta, qori wax ku raadinta (military mind). Si kale u dhig, waa qof taariikhdiisa nololeed ay ka soo bilaabanayso bulsho rayid ah, kuna soo dhammaanayso maamul madani ah. Soddon sano ka hor, waxyaabihii dowladnimada naga burburiyey waxaa ka mid ahaa xukunka ku dhisan militarinnimada, cabburinta iyo qabyaaladda. Hassan ma ahan qof ka imaanaya iskuulkaas, isaga ayaan codkayga siin lahaa haddii aan xildhibaan ahaan lahaa.

Tan labaad, waxaan ku tilmaami karaa in uu yahay qof aqoon u leh waxa afka cilmiga siyaasadda lagu dhaho dowlad-dhis (state-building). Waxaa tusaale kuugu filan, sidii uu wax uga qabtay mashruucii dib u dhiska hay’adaha dowladda isaga oo salka u dhigay nidaamka federaalka iyo heykalkiisa. Bal, waxaan ku doodi karaa in uu ka soo bilaabay meel eber ah, keenay meel dhexe.

Laakiin Farmaajo iyo Ra’aasul Wasaarihiisii hore Xassan Cali Kheyre waxa ay ku fashilmeyn dhammeystirka mashruucaas qabyada ah. Waxa kaliya oo ay sameeyeen wuxuu ahaa wax ka beddelka mushahar bixinta (payroll reform), tiina iyada oo qabyo ah ayay ka tegayaan.

Tan saddexaad, wuxuu leeyahay shakhsiyad wanaagsan iyo dabeecad dal iyo dad lagu hoggaamin karo. Markii iigu horreysay ee aan la sheekeystay, isbaranay waxay ahayd sanadkii 2018 mar aan joogay magaalada Istanbul, isagana wuxuu deganaa magaalada Ankara. Waxaan rabay in aan ku soo booqdo hoygiisa laakiin waan xanuunsaday maalintaas, waana ka baaqday. Inta uu isoo wacay ayuu igu dhahay “Igaarkey, Alle ha ku caafiyo. Xamar ayaan isku arkeynaa.. Ha welwelin.” Weli ma hilmaamin ereyadaas waayo waxay i dareensiinayaan in uu yahay qof leh shakhsiyad naxariis badan; qalbi jilicsan.

Astaamaha fiican ee laga rabo qofka hoggaamiya ah waxaa ka mid ah naxariista iyo isu dul dhigidda dadka. Waxaan kaloo Xasan ku arkay qalbi furan, cafis badan; qof ballanta iyo saxiibtinnimada ku fiican.

Markii aan Xamar imid ka dib shan jeer ka badan ayaan isla fadhiisanay, sheeko wadaagnay ilaa markii dambe aan ku qancay shakhsiyaddiisa wanaagsan. Waa qof jecel in uu dadka isku wado; yar ilaa weyn. Marka aad la barbardhigto kuwa la tartarmaya waxaad ogaanaysaa in isagu uu yahay kan ugu qosolka badan, qosolkuna wuxuu ka tarjumayaa farxad iyo laab furnaan.

Ugu dambeyn, markaad fiiriso waxqabadkiisii hore markii uu joogay Jaamacadda Simad iyo sida uu wax ugu biiriyey bulshadan colaadda ka soo kabanaysa waxaa kuu soo baxaysa in uu yahay “Badbaadiye Bulsho.” Inta uusan siyaasadda soo galin ka hor, wuxuu wax ka soo qabtay saddex meel oo muhiim ah: Tacliinta sare, Cilmibaarista iyo Dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

Duqa doorta; ducana ugu dara.