U bood dhigaalka

Maxakamadda Degmada Cadaado oo Xukun Ku Ridday Rag Lagu Qabtay Maandooriye

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Degmada Cadaado  gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa xukun min hal sano oo xarig ah  ku ridday laba dhallinyaro ah ,kadib markii laba cisho ka hor lagu qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada booliiska  oo ka dhacay deegaanka Balli-Sonkor ee Galmudug.

Labadaan dhallinyaro oo lagu kala magacaabo Xuseen Axmed C/laahi iyo Xasan Xuseeen Cumar,ayaa la soo qabtay xilli ay wateen gaari ay ka buuxeen 17-kartoon oo khamri ah iyo laba qori oo AK ah, ciidanka ayaa muddooyinkii dambe degmada kawaday howlgallada lagula dagaalamayo maandooriyaha.

Guddoomiyaha maxkamadda degmaga Cadaado C/casiis Ciise Cali  iyo taliyaha saldhigga ciidanka boliiska ee Cadaado Maxamed Cadceed ayaa goobjoog ka ahaa xukunkaasi min halka sano ah ee lagu xukumay dhallinyaradaasi lagu soo qabtay kartoomada khamriga ah oo ay gaari ku sideen.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in dhallinyaradaasi ay bixiyaan ganaax dhan 5-boqol oo doolar,waxaana,sidoo kale,duleedka Cadaado lagu burburiyay 17-kii kartoon ee khamrada ahaa, ciidankuna waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgallada lagula dagaalamayo.

Goobjoog News