U bood dhigaalka

Maxamadda ICC Oo Dambi Ku Weysay Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Dambiyada ee caalmiga ah ICC ayaa dambiyadii loo haystay ku weysay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto.

Xaakimka maxkamadda racfaanka ee ICC ayaa buritat go’aankii ahayd in lagu aqbalo marqaatiyaal hore si loo sii wado kiiska dacwadeedka loo haystay Ruto.

Ruto ayaa loo heystay eedeymo la xiriira dambiyada ka dhan ah bini’aadannimada kadib sanadkii 2007-dii shacab badan oo lagu laayay Kenya kadib markii halkaasi ay ka dhaceen doorashooyin lagu murunsanaa.

Tani waxay meesha ka saareysaa guud ahaan dacwaddii ka dhanka ahayd Willia Ruto.

Horay sidaan oo kale waxaa meesha uga baxday dacwaddii loo haystay madaxweynaha dalka Kenya Uhuro Kenyatta kadib markii la waayay cadeymo ku filan.

Dalka Kenya ayaa aad looga soo dhaweeyay go’aankaan kasoo baxay maxkamadda ICC ee ku aadan dacwaddii William Ruto.

Goobjoog News