U bood dhigaalka

Maxamed Cabdi Kaliil “Kama Cabsanayo Inay i Xiraan Ciidamada Itoobiya Ee Garbahaarey”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyahii hore ee gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo ku sugan degmada Garbahaarey ayaa sheegay in aanu wax cabsi ah ka qabin inay xabsiga dhigaan ciidamada Itoobiya, ka dib markii dhawaan isaga iyo ciidamo uu wato tageen degmadaasi.

Kaliil ayaa sheegay in weli isaga uu yahay gudoomiyaha gobalka Gedo, waxaana uu sheegay in xil ka qaadistii lagu sameeyay aan loo soo marin waddo sharci ah.

“Aniga kama cabsanayo inay i xiraan ciidamada Itoobiya, waxaan ahay gudoomiyaha saxda ah, xil ka qaadistii Axmed Madoobe ma ahayn wax jiro, waayo isaga xaqba uma lahan” ayuu yiri Kaliil.

Dhinaca kale Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in amniga degmada Garbahaarey uu yahay mid hagaagsan, ka dib markii dhawaan ay ka dhacayn dibadbaxyo ay dhigayeen shacab isaga taageero u ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa isku dayey inay xiraan Kaliil, hase ahaatee waxaa iska hortaagay shacab badan oo sheegay in aysan aqbali doonin xariggiisa.

Goobjoog News