U bood dhigaalka

Maxamed Cabdi Nuur Oo Markii Labaad Loo Doortay Hogaaminta Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo Ee Jubaland

Sheeko:Cayaaraha

Is Badalka ka socda Gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland ayaa keentay in dhalinyarada ay qaataan doorkooda horomarinta ee dhinacyada isdhaxgalka bulshada iyo kor u qaadida ciyaaraha, waxaan doorasho ka dhacday Magaalada Garbaaharey Gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Gobolka Gedo loogu doortay mudane Maxamed Cabdi Nuur oo haray xilkan u hayay, waxaana guusha Gudoomiye Maxamed soo dhaweeyay bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dhalinyarada Maamulka Jubaland.

“Hal sano iyo bar oo aan horay u hogaaminayay hogaanka Xiriirka Kubbadda Cagta Gobolka Gedo waxaan la kulanay caqabado waaweyn oo ay ka midyihiin taageero dhaqaalo,mid qalab iyo mid horomarineyd oo aan ka waynay Xiriirka Kubbadda Cagta Maamulka Jubaland iyo sidoo kale Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ,balse kama quusanayno in aan horomarino kubbadda cagta Gobolka” ayuu Gudoomiye Maxamed Cabdi Nuur u sheegay saxaafadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goorsii horaysay gaaray magaalada Gabahaaray  ee Gobolka Gedo ayaa dhalinyarada iyo bahada ciyaaraha u  dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso Gobolka Gedo ,waxaana talabaadan Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo ay u arkaan guul weyn oo u soo hooyatay.

Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo ayaa ku guulaystay in ciyaar saaxiibtinimo  u qabto Degmooyinka Garbaaharey iyo Baardheere waxaan ciyaartaas ka qeybgalay madax ka socotay Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamulada Maamul Goboleedyada,waxaana madaxdii ka qeybgashay ay sheegeen in ay muhiim tahay in la taageero shaqooyinka culus ay hayaan dhalinyarada maamulaysa Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo.

“Kubbadda Cagta waa is dhaxgalka bulsho iyo nabad,maamulkayga wuxuu diyaar u yahay horomarinta iyo kor u qaadida kubbadda cagta Gobolka Gedo,waxaana taageero ka rabnaa Madaxweynaha Maamulka Jubaland,bulshada iyo qubajoogta ka soo jeedo Gobolka Gedo” ayuu Guddoomiye Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo mudane Maxamed Cabdi Nuur u sheegay warbaahinta.

Daawo Warbixin Ku Saabsan X.K.Cagta Gedo

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle