U bood dhigaalka

Maxamed Deeq “Waa Mas’uuliyad Adag In Lagaaga Yeero Xulka Qaranka”

Sheeko:Cayaaraha

Daafaca qibrada wanaagsan ee kooxda kubbadda cagta Jubaland Maxamed Cumar Cabdi ayaa sheegay in aad ugu faraxsanahay u dheelista Xulka Qaranka Soomaaliya,ka dib markii laacib Maxamed lagu soo daray liis ciyaartooy ah kuwaas oo laga soo xulay tartankii kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

“Marka lagaaga yeero waajibaadka Xulka Qaranka waa mas’uuliyada adag,shaqsi ahaan waxaan xooga saarayaa in aan ku da’daalo in aan kor u qaado xirfadayda in aan guulo waaweyn la gaao Qarankeeyga” ayuu Goobjoog Sports u sheegay ciyaaryahan Maxamed Deeq Cumar oo ka tirsan kooxda Jubaland.

Ciyaaryahan Maxamed Cumar Cabdi ayaa sanadihii 20162017 fiinalaha tartanka kubbada cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir la soo tiigsaday kooxda Jubaland,wuxuuna ka mid yahay xidigaha tayada wanaagsan ee sadexdii sano ee la qabtay tartanka Maamul Goboleedyada si weyn u soo jiitay taageerayaasha kubbadda cagta Soomaaliya.

“Waxaan booskayaga Jubaland u baneeyay ciyaartooyda soo koraysa ee raadinaya mar in an ay ka soo muuqdaan safka kooxda Jubaland,runtii tartanka kubbadda cagta Maamul Gooleedyada iyo Gobolka Banaadir xiligan waa kan ugu xiisaha badan xiliga dalkeena” ayuu Goobjoog Sports u sheegay ciyaaryahan Maxamed Deeq Cumar.

Dhinaca kale laacib Maxamed Deeq ayaa u mahadceliyay taageerayaasha,madaxda iyo qof kasta oo kaalin geeystay horomarka iyo guulaha uu la gaaray kooxda Jubaland saddexdi xili ciyaareed ee la soo dhaafay,isagoo taas ku tilmaamay “Guul Wadareed”

Waxaan guul iyo horomar u rajaynaa kooxdayda Jubaland,sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Wasaaradda Ciyaaraha Jubaland oo saddex sano fursad ii siiyay in aan matalo Jubaland,runtii ma iloobi doono waayihii quruxda badnaa ee aan la qaatay saaxiibadayda Jubaland” ayuu hadalkiisa ku soo xeray laacib Maxamed Cumar Cabdi.

Daawo Kabtan Maxamed Deeq Oo La Hadlay Goobjoog Sports

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle