U bood dhigaalka

Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo Baarlamaanka Federaalka ugu Baaqay in Aaney Dalka Ku Haleyn Beesha Caalamka

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah Siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Madaxda Dowlada Federaalka Soomalia ay  ku guul dareysteen in dalka  ay gaarsiiyaan Hiigsiga 2016-ka oo Ummadda Soomaaliyeed ay ka dhowrayeen Madaxda Dowlada Federelka.

Maxamed Maxamuud Nuur Caalim  oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dalalka Beesha Caalamka aysan ka go’een wax ka qabashada  xaaladaha cakiran ee  dhanka siyaasada Dalka.

Waxa uu tilmaamay siyaasigan in loo baahan yahay in Barlamaanka Dowlada Federaalka   uu qaato go’aan kasta oo ay ku samatabixinayaan Shacabka Soomaaliyeed.

“ Barlamaanka Dowlada Federaalka waxa uu xiligan uu leeyahay awooda  dalka, iyaga ayaa ka yimid  gobolada dalka ummadana matala waa in ay qaataan  mowqif ay ku badbaadinayaan ummada soomaaliyeed” ayuu yiri  Maxamed Maxamuud Nuur.

Waxa uu intaas warkiisa ku daray aqoonyahankan in ay muuqanayso, rajo xumo xaga siyaasada dalka ee mustaqbalka sidaa darteeda muhiim ay tahay in  laga fakaro wadadii lagu badbaadin lahaa aayaha dalka.

Goobjoog News