U bood dhigaalka

Maxamed Mistiri Lamjed Oo Bixiyay Tababarkii Ugu Horeeyay Kooxda Muqdisho City Club

Sheeko:Cayaaraha

Shan ka dib ciyaartooyda kooxda dowladda hoose ee Muqdishu City Club ayaa wahajahaya talaabadooda cusub ee is badalka xag macaliminka,iyagoo qaatay falsada tababarka layliyahooda reer Tunusiya Maxamed Mestiri Lamjed oo jagadan ka badalay Xuseen Blangu oo naadigan hogaaminayay intii u dhaxaysay  2015 ilaa 2019.

Tababare ku xigeenka naadiga Muqdisho City Club Maxamed Jeelaani Ajeelow ayaa Goobjoog Sports u sheegay in macallinka yahay mid dhagaysta talooyinka ka imaanayo ciyaartooyda iyo macalimiinta kale.

Tababarkan ayaa wax badan ka gedisaan kii macalinkii hore Uganda Mbalnagu Xuseen uu siinayay xidigaha Muqdisho City shantii sano ee lasoo dhaafay qaar ka tirsan ciyaartooyda kooxda oo la hadlay Goobjoog Sports ayaa sheegay in tababarahooda cusub oo xooga saarayo fahanka iyo kubbadda gaagaaban ee (Tiki-Taka).

Taageerayaasha naadiga dowladda hoose oo qaarkooda daawanayay tababarkii 1-aad ee macalin Maxmed Mestiri ayaa sheegaya in macalinkooda ka rajeenayaa in tartamada gudaha iyo dibada ay kusoo bandhigidoonaan kubbadda aad u qurux badan soona jiidata taageerayaasha kubadad cagta gudaha iyo dibada.

Agaasimaha kooxda M.C.C Cabdifataax Macallin Yuusuf Fooley ayaa Goobjoog u sheegay in ay doonayaan in isboortiga dalka ay markasta wax ku kordhinyaan si ay ugu daysadaan kooxaha kale ee ka dhisan Soomaaliya

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarkii Ugu Horeeyay Uu Bixiyay Macalinka Reer Tuunisiya

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/455014892003706/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle