Maxamed Mursi oo Lagu Maxkamadeynayo Jaajuusnimo

Madaxweynahii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa maanta lagu wadaa in la xukumo, Musri ayaa lagu eedeeyay in uu Basaasay Xamaas iyo dalal kale intii uu madaxweynaha ka ahaa dalka Masar.

May 16, 2015-kii, Mursi iyo Boqol kale ayaa dil toogasho lagu xukumay arimo la xiriira xabsi la sheegay in ay ka baxsadeen Mas’uuliyiinta Ikhwaanka uu Mursi ku jiro.

Maalintaas dadka dilka lagu xukmay waxaa ka mid ah: Muftiga Ikhwaanka Maxamed Badiic iyo ku xigeenkiisa Maxamud Cizad, Kheyrat El-shadir, Wadaadka caanka ah ee Sheekh Yusuf Al-Qaradawi.

Maxamed Musri, Dilka lagu xukmay iyo Xukunka kale ee maanta sugaya waxaa usii dheer in bishii April 20 sano lagu xukumay kadib markii lagu eedeeyay dad lagu dilay xarunta Madaxtooyada ee Itixaadiya.

Mursi, Waxaa afgambiyay Madaxweynaha hadda talaya haya ee Cabdifitax Al-sisi bishii July 2013-kii.

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW