U bood dhigaalka

Maxamed Nuur, Sarkaal Soomaali Mareykan Ah Oo Lagu Maxkamadeynayo Dalka Mareykanka.

Sheeko:Dalka

Sarkaal ka tirsan Boliiska dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kaasoo dilay haweeney aan hubeysneyn markii ay u soo dhawaatay ayaa isagoo qeylinaya rasaas ku furay haweeneyda sida uu sheegay qareenka u doodaya wuxuuna intaas ku daray in dhacdadaasi ahayd mid si kedis ah ku timid oo murugadeeda leh.

Maxamed Nuur iyo nin la socday ayaa marayey waddo yar oo mugdi ah iyagoo ka jawaabayey taleefan ay u soo dirtay gabar lagu magacaabo Ruszczyk Damon oo leh labada Jinsiyadood ee kala ah Mareykan iyo Australia, xiriir ayey la soo sameysay Boliiska iyadoo ka cabsi qabta in si qasab ah Jismi ahaan loogu xadgudbo waana markii uu nin Baaskiil wada uu kasoo muuqday hortooda oo ay maqleen qeylo xooggan sida uu sheegay qareenka difaacaya ee Peter Wold.

“Waa dil ku yimid si aan ku-talagal ahayn, “Wold ayaa ku yiri hadalkiisii furitaanka ahaa ee uu ku difaacayey Nuur oo ku eedeysan dil islamarkaana lagu maxkamadeynayo dalka Mareykanka.

Sarkaalku wuxuu riday hal xabbo oo rasaas ah isagoo dilay Damon oo dhimashadeedu ay gilgishay labada dal oo ay dhalashada ka haysatay waxayna dhacdadaas keentay in isbeddel lagu sameeyo Waaxda Boliiska ee Minneapolis. Toogashada oo dhacday bishii July ee sannadkii 2017 ayaa timid usbuucyo kaddib dil magaalada New York loogu geystay sarkaalka ciidanka ka tirsan.

Qareenka u doodaya Nuur kaasoo shaqada Boliiska laga eryey markii lagu soo oogay dacwadda dilka ah oo aan marnaba la hadlin baareyaasha ayaa ku doodaya in Nuur isticmaalay awood uu ku difaacayo isaga iyo qofkii la socdayba laakiin xeer ilaaliyeyaasha ayaa sheegay in wax caddeyn ah aan loo hayn qatarta loogu marmarsiiyoonayo awooddaas keentay dilka.