U bood dhigaalka

Maxamed Salah oo ciyaartoyda Masar ka dalbaday inay ka aar gutaan Sadio Mane iyo Senegal

Sheeko:Cayaaraha

Weli waxaa dhegaha Masaarida ka sii yeeraya guuldarradii xanuunka badneyd ee final-kii Koobkii Qarammada Afrika ee lagu soo geba gebeeyay Cameroon markii ay Senegal la hoyatay Koobkii, kaddib markii ay 0-0 isla dhaafi waayeen Masar, waqtigii dheeriga ahaa kaddibna ay gool ku laad ama rigooreyaal 4-2 ay guushii ku raacday Senegal.

Diktoor Maxamuud Xuseen, Guddoomiyaha Dhallinyarada iyo Isboortiga isla markaana ah xubin Baarlamaan Masar ka tirsan ayaa waxa uu ka hadlay kulankii adkaa ee Masar iyo Senegal, isagoo sheegay in ciyaartoyda Masaaridu ay soo bandhigeen kubbad aad u wanaagsanayd, 4 kulan oo xiriir ahna ay dheeleen waqti dheeri ahaa 120 daqiiqo, taas oo xoogaa daal badan gelisay jirkooda.

Maxamuud Xuseen oo u warramayay Kanaalka ETC ee Masaarida ayaa waxa uu ammaanay laacibiinta xulka Masar iyo sidii geesinimada lahayd ee ay ku soo gaareen ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Afcon 2021, isagoo xusay in aysan waxba ka hagran dalkooda, guuldarraduna ay tahay mid qoran.

Dhanka kale Guddoomiyaha dhallinyarada iyo isboortiga Masar ayaa caddeeyay in dhammaadkii kulankii Masaaridu guuldarrada kala kulmeen Senegal kaddib uu Kabtanka xulka Masar Maxamed Salah uu la kulmay ciyaartoyda Faraacinada, kana dalbaday in ay ka aar gutaan Sadio Mane iyo saaxiibadiisa Senegal labada kulan ee ay isku arki doonaan ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Qatar 2022.

Labadaas ciyaar oo ka kala dhici doona Qaahira iyo Dakar ayaa waxay labada xul wada dheeli doonaan lugta hore 23-ka Maarso 2022, kulankaas oo lagu qaban doono Magaalada Qaahira, halka lugta labaadna 29-ka Maarso 2022 ay ka dhici doonto magaallada Dakar ee Waddanka Senegal.

Taas ayaa micneheedu yahay in midkood Mane iyo Salah ama midkood Senegal & Masar ay ka qayb geli doonto Koobka Adduunka ee Qatar, iyadoo aysan suurtogal ahayn in labadaasi xul ay wada tagaan Qatar.

Weli loollan adag ayaa isugu haray Libaaxyada Teranga iyo Faraacinada iyadoo midkii laga guuleysto uu ka hari doono masraxa weyn ee Qatar ee ay isugu imaan doonaan xulalka Caalamka.

Goobjoog News