U bood dhigaalka

Maxamuud Cawaale “Reer Mudug Heshiiska Garoowe Marna raali kama ahan” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maxamuud Cawaale oo ah guddoomiyaha Hobyo ee maamulka Gal-mudug ayaa sheegay in reer Mudug aysan marnaba aqbali doonin heshiiskii xukuumadda dhexe iyo maamulka Puntland ku gaareyn magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in la mideeyo gobalada Mudug iyo Galgaduud loona hogaansamo dastuurka dalka uyaala iyo waxa uu ka qabo dhismaha maamul gobaleed.

Dhanka kale Gudoomiye Cawaale waxa uu tilmaamay in hogaamiyaha Puntland uu ku doodi karo in dadkiisu ay degaan qeyb kamid ah Mudug balse aysan suurta gal ahayn in gobalka la kala jaro waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageeyso Wareysiga Gudoomiyaha oo dhameystiran

Goobjoog News