U bood dhigaalka

Maxamuud Maxamed “Waxaan Diyaar U Nahay Horomarka Iyo Kor U Qaadida Ciyaaraha Diinsoor ”

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Ciyaaraha Degmada Diinsoor ayaa tartan u qabtay kooxaha ka dhisan degmadaas,iyagoo ugu magac daray is dhaxglka bulshada iyo nabadda degmada waxaan abaabulka tartankan iska kaashanaya dhallinyarada ka soo jeeda Diinsoor ee kala joogta gudaha Soomaaliya iyo dalka dibadiisa.

“Anagoo kaashanayna dhallinyarada gudaha iyo dibada ee ka soo jeeda Diinsoor waxaan kooxaha u qabanay tartamo kala duwan kuwaas oo lagu horomarinayo ciyaartooyda,waxaanse xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed ka sugayaan in ay ka qeyb qaataan dooorkooda howshan” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Xoghayaha isboortiga Degmada Dinsoor Maxamuud Maxamed.

“ Ganacsatada iyo siyaasiinta ka soo jeeda Diinsoor waan in ay xil iska saaraan horomarka dhallinyarada,sidoo kale waa in kooxaha iyo ciyaaryahanada loo dhisaa garoomo casri ah ” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Sheekhey Xaaji Yaraay oo horay ugu soo dheelay degmada Diinsoor .

Ibraahim Cabdimajiid Axmed oo ka mid ah dhallinyarada Diinsoor ayaa yiri “Maamulka Koonfur Galbeed,Xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda deegaanadaas waa in ay waqti ku bixiyaan dhallinyarada, wuxuu intaa ku daray in ay helaan goobo waxbarasho oo heerar kala duwan ”

Si kastaba Bahda ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa dhiiri geliyay howlaha socda,iyadoo mas’uuliyeenta ka dalbaday in la taageero howlaha lagu horomarinayo dhallinyarada.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle