U bood dhigaalka

Maxamuud Sayid Aadan “Lama Joogsanayo Illaa Gobalka Gedo Oo Dhan Laga Saaro Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah xubnaha hor kacaya weerarka ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku qaadeen degmada Baardheere ayaa sheegay in ciidamadaan aysan dib usoo laaban doonin, illaa Al-shabaab ay ka saaraan gobalka Gedo.

Maxamuud oo u waramayay Goobjoog News ayaa sheegay in shirarar kala duwan oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya la’isla gartay in gobalada Koonfureed laga saaro Al-shabaab.

“Shirarkii ka dhacay Itoobiya ayaa hoosta looga xariiqay in Al-shabaab laga saaro meelaha ay ka joogaan gobalada Koonfureed, hadda Baardheere ayaa inoo muhiim ah oo aan ku soconnaa, laakiinse degmada kaliya ma ahan, Gedo, Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe, sidaas ayuu howlgalka ku socdaa” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Dhinaca kale siyaasigaan mar aynu wax ka weydiinay kaalinta howlgalkaan ay ku leeyihiin ciidamada Jubbaland ayuu sheegay in kaliya waxa dagaallamaya ay yihiin ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Gobalka Gedo ayaa waxaa ka bilawday howlagal ballaaran oo ay wadaan ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Jubbaland, waxaana hadda ay ku baxeen dhanka degmada Baardheere oo muddo Al-shabaab maamulayeen.

Goobjoog News