U bood dhigaalka

Maxamuud Sayid Aadan Oo Booqday Kooxda Jubaland

Sheeko:Cayaaraha

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Maamul Goboleedka Jubbaland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa booqday Garoonka kubbadda cagta Waamo ee Magaalada Kismaayo,halkaas oo ay tababaro ku qaadanayeen kooxda kubbadda cagta Jubaland ee ka qeyb galaysa tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Jubaland Axmed Farax Taqal Timojilic ayaa kusoo dhaweeyey garoonka Waamo Madaxweyne kuxigeenka koobaad iyo mas’uuliyeenta kale ee Jubaland,isagoo sheegay in ay u diyaarsanyihiin ka qeyb galka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Kooxda kubbadda cagta Jubaland oo tababar joogta ah ku samaysa garoonka Waamo ee magaalada Kismaayo ayaa sanadkan 2020 qab rajo weyn oo ah hanashada tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,maadama labadii sanadii 2016,2017 ay soo gaareen fiinalaha tartankan,waxaana ciyaartooyda madaxda u balanqaadeen in ay daafacan doonaa tartanka oo sanadii 2017 oo ay ka qaadeen xidigaha kooxda Puntland.

“Jubaland waxaa lagu yaqiinay kaalamaha hore ee tartanka Gobolada,waxaan idinka sugaysaan in difaacdaan sharafta Jubaland iyo Gobolka Hoose,dowladda waxa ay idin balan qaadaysaa in ay idinku bixiso wax kasta oo aad u baahantihiin” ayuu warbaahinta u sheegay Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Maamul Goboleedka  Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle