U bood dhigaalka

Maxay Culimada Soomaaliyeed Ku Diideen Xeerka Ladagaalanka Kufsiga Ee Xukuumadda Kheyre?

Sheeko:Dalka

Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeestay Xeerka Ladagaalanka Kufsiga iyaga oo ka soo saarey qodobo badan oo ay ka cabanayaan, waxaa ay la kulmeen ra’isul wasaare Kheyre iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal.

Qodobada ay dacwada ka qabaan waxaa ka mid ah:

  1. Xeerka Waa Dambi oo Ciqaab lagu Muteysanayo qofkii isku dayo galmo qasab ah.
  2. Xeerka, Ma cadda cuquubada ugalmooshada raalliga la isaga yahay.
  3. Xeekna, Guurka qasabka ah waa dembi, xataa waalidka haddii ay sameeyaan. Culimada waxaa ay sheegayaan in taasi diinta ka hor imaaneyso.
  4. Xeerkan, Waa Dambi galmo aan la dooneyn ama aan raali leeysaha aheyn, xataa xaaskaaga(ha ahaato eray ama ficil).
  5. Xeerka, Kuma cadda sharciga labada aan isqabin, isna doonaya, raalina isaga ah inay ficil jinsiyadeed wada sameeyaan inay dembi tahay
  6. Xeeka, Waa dambi in qof meel lagu heyso isaga oo raali ku aheyn galmada, haddii uu raali ka yahay sharciga ayaa qeexaya. Haddii uu raali ka yahana waa galayaa denbi cuquubo sharci muteysanyao
  7. Waa dambi in la duubo, la sawiro cajalado jinsi ah. Culimada waxaa ay leeyihiin arrintaan waa dambi
  8. Xeerkan, Waa kufsi haddii qofka u galmoodo ruux ka yar 18 sano. Guur iyo guur la’aan. Culimada waxaa ay qalad ku sheegeen in laga reebay inta xalaasha isku qabta.
  9. Xeerka, Qofka waxaa uu galayaa denb caruur guursi(wixii ka yar 18), waana la ciqaabayaa. Sidoo kale culimada waxaa ay leeyihiin lamaga soo reebin kuwa xalaasha isku qaba.
  10. Xeerka, Keliya Waxaa reebay in laga ganacsado dhanka jinsiga caruurta. Qaangaarka lama caddeyn sharcigan. Culimada waxaa ay ku dareen inay xaaraan tahay ka ganacsiga jinsiga oo dhan.
  11. Xeerka, Eedeysanaha uma soo dhowaan karo deegaanka dhibanaha, lamana kulmi karo ehelada. Xal dhaqameed waa la diiday. Culimada waxaa ay leeyihiin diinta Islamaaka waxaa ay ogoshay xal.
  12. Xeerka, Maxkamadda waxaa ay dacwada ku qaadeysaa meel qarsoon. Daah-furnaan ma jirto ayey leeyihiin culimada.

Qodobabaad iyo qaar kale oo ku jira xeerka kufsiga ayey ka dacwoodeen hey’adda majmaca Soomaaliyeed