U bood dhigaalka

Maxay Ka Dhigan Tahay Lacagta Kala-u-bar Laga Dhaafay Haweenka Doonaya Xildhibaannimada?

Sheeko:Amniga

Haweenka Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya doorashada sanadkan 2021-ka ayaa qiimo dhimis loo sameeyey xagga isdiiwaangelinta iyada oo laga dhaafay kala-u-bar.

Golaha wadatashiga qaran ayaa isku raacay in haweenka laga qaado 50% inta raga laga qaadayo sida in golaha shacabka ay bixiyaan $5,000 halka aqalka sare ay bixin doonaan $10,000.

Guddigii uu Farmaajo ka midka ahaa ayaa sanadkii hore haweenka ku kordhiyey lacagtii laga qaadayey, taas oo hadda u muuqato in laga noqday. Waxaa xusid mudan in 2016-kii ay haweenka aqalka hoose bixiyeen $2500 halka aqalka sare bixiyeen  $5000, laakin heshiiskii October  sanadkii hore ayaa ka dhigay aqalka hoose $10,000 iyo  $20,000 senate-ka ah.

Golaha wadatashiga qaran ayaa adkeeyey in ay ka go’antahay ilaalinta kootada 30% ee haweenka. Doorashadii hore ee 2016-kii waxay haweenka heleen 84 oo aheyd 24% .

Haweenka Soomaaliyeed ayaa sanadkan olole ugu jira iney helaan 30%  iyo ka badan, laakin waxaa jira caqabad ay kala kulmayaan beelaha qaar, kuwaas oo diidan iney gabar matasho.

Guddiga cusub ee doorashada dadban ayaa looga fadhiyaa iney ku qasbaan beelaha, gaar ahaan kuwa saddexda kursi leh iney mid haween noqoto, waxaa la ogaan doonaan guddigan iyo midkii 2016-kii kan ku roonaada soo dhicinta xuquuqda haweenka ee 30% .

Cabdicaziz Gurbiye,

Goobjoog News