U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada Hadleen Farmaajo Iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Ee Qatar?!

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu Muqdisho kula kulmay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Sultan bin Sacad Al Muraikhi.

Sultan bin Sacad Al Muraikhi, waxaa uu ugu horreyntii soo gaarsiiyey madaxweyne Farmaajo dhambaal uu ka siday amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani kaas oo horumar iyo barwaaqo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, madaxweyne Farmaajo waxaa uu amiirka  iyo shacabkiisa u rajeeyey barwaaqo iyo horumar isaga oo ka mahadceliyey taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Intuu uu kulanka socday waxaa kale oo ay labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada dal, taageerada ay Qatar siiso maamulka Farmaajo iyo sidii ay u sii xoojin lahaayeen.

Dalka Qatar waxaa uu ka mid yahay dalalka ballan-qaaday maalgelinta mashaariic badan kuwaas oo weli laga sugayo, lama oga in kulanka looga wada hadlay goorta la fulinayo.

May 24, 2017: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa booqday Qatar, isaga oo halkaasi kulamo kula yeeshay Amiirka dalkaasi Tamiim. Wafdiga Wasiirrada ah ee la socday madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmay dhiggooda Dalka Qatar, waxayna ka wada hadleen sidii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen Wasaaradaha ay kala matalaan ee Labada Waddan. 

November 28, 2017: Iyaga oo laga amba-qaadayo safarkii Farmaajo uu Qatar ku tagay May, waxaa Muqdisho yimid wafdi ka socday Qatar, iyaga oo xukuumadda Soomaaliya ka saxiixday heshiis ku kacaya $200 Milyan oo mashaariic la saxiixatay dowladda federaalka ah, waxaa ugu mihiimsan dhimsha waddada Muqdisho-Afgooye 30 KM, Wadada Muqdisho-Jowhar 90 KM iyo xarumo kale oo dowladeed.

Goobjoog News