U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka Dowladda Ruushka?

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov.
Danjire Mikhail Golovanov ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha la wadaagagay warbixin ku saabsan halka uu marayao xiriirka labadal, isagoo xusay in dowladda Raashiya Soomaaliya ay u tahay saaxiib dhow oo istaraatiiji ah, kana go’an tahay xoojinta xiriirka labadal iyo iskaashi dhexmara golayaasha Baarlamaanka labada dal.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa Danjiraha la wadaagay xiriirkii soo jireenka ah oo ay lahaayeen Soomaaliya Raashiya iyo sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi aan mugdi ku jirin.
Goobjoog News