U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Madaxweune Xasan iyo Wasiirka Hormarinta Arrimaha Afrika Ee UK?

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Doha ee dalka Qatar kulan la yeeshay wasiirka horrumarinta iyo arrimaha Afrika dalka UK, mudane Andrew Mitchell.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha deyn cafinta, is-badalka cimilada iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo UK, xilli ay jiraan taageero ay siiso dowladda Soomaaliya.
Dowladda UK ayaa kamid ah dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya, isla markaasna ka qeyb qaadata arrimaha dib u dhiska dalka iyo tabarada ciidamada Booliiska.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya oo ka dhaceysa magaalada Doha ee dalka Qadar.
Goobjoog News