U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhaxalsugaha Sucuudiga?

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa kulan dalka Sucuudiga kula qaaatay Dhaxalsugaha dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan, xilli uu ka qeyb galayay shirka jaamacadda Carabta oo dalkaas lagu qatay.

Madaxweynaha ayaa Salmaan la wadaagay guulaha dowladda ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isaga oo dhanka kale kaga mahadceliyay taageerada Sucuudiga ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxaana uu ballan qaaday in Sucuudiga ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Sucuudiga kaga qeyb galay shirka 32-aad ee jaamacadda Carabta, kaas oo sanadkaan diiradda lagu saaray xaaladda ka taagan wadanka Sudan iyo sidoo kale Qadyadda Falastiin.

Goobjoog News