U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle?

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada qeyb-galayeen Madasha 5-aad ee Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya oo ku qabsoontay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay mideynta mawaaqifta labada dal ee fagaareyashan, si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo mudnaanta la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika oo labada dal ay kaga yaallaan Qaaradda Afrika oo madaxdoodu shirka ay ka qeyb galayaan.
Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha Safka hore, kuwaas oo ciidankooda nabad ilaalinta ah ay joogaan Soomaaliya si ay dowladda kaga gacan siiyaan in amnigeeda ay dib u hanato, madaxweyne Geelle ayaa dhowaan shir uu kaga qeyb galay Muqdisho ku taageeray madaxweyne Xasan Ololihiisa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee dalka ka socda.
Goobjoog News