U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Ra’iisulwasaare Xamse iyo Wafdiga Ururka Iskaashiga Islaamka?

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay oo isaga iyo wafdigiisa ay soo gaareen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Yousef ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan laga xoreeyay Al-shabab, Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyey garab istaagga ay OIC u muujinayso shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Yousef Muhammad Aldobea oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida degdegga ah ee ay u soo ajiibeen baaqii dowladda Soomaaliya ee ku aaddanaa arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka deegaannada laga xoreeyey Alshabaab, kuwaas oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo soo kabaya nolasha dadka.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya ay taageero caalami ah u raadinayso dagaalka dowladda federalka ay kula jirto dagaalamayaasha Al-shabaab oo inta badan laga saaray deegaanno dhaca dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo dhowaan la filayo wajiga labaad ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Goobjoog News