U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Hormarinta Canada?

Sheeko:Amniga

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shir kaga qeyb galay magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar ayaa kulan dooceed la qaatay Wasiirka Horumarinta caalamiga ee dowladda Canada Mr. Harjit Sajjan iyo masuuliyiintii la socotay, kuwaas oo ka qayb galay shirka Sharma Shiikh.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saarnay Hannaanka Isbadalka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka arrimaha deyn-cafinta, iyadoo sidoo kale looga wadlay taageerada ay ka geysan karaan sidii looga saameyta bixi lahaa dhaqaale xumida iyo isbadalka cimilada oo saameyn xooggan ku yeeshay Soomaaliya.

“Kulanka waxa aan diiradda ku saarnay Hannaanka Isbadalka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka arrimaha deyn-cafinta. Sidoo kale waxa aan kala hadlay taageerada ay ka geysan karaan saameynta dhaqaalle ee isbadalka cimilada oo saameyn xooggan ku yeeshay Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal uusoo saaray Wasiir Cilmi.

Magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar waxaa ka soconaya shir madaxeedka wadamada Afrika, kaas uu soo qabanqaabiyay Bangiga Hormarinta Afrika, waxaana sidoo kale ka soo qeyb galay mas’uuliiin lagu casuumay shirka oo kala socotay dowladaha Mareykanka, Canada iyo Midowga reer Yurub oo daneynaya Qaaradda Afrika.

Dowladda Soomaaliya shirka waxaa ku matalayay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana sidoo kale wehlinayay wasiirka maaliyadda iyo safiirka Soomaaliya ee Midowga Afrika, Xamse oo Khudbad ka jeediyay ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay arrimo dhowr iyo saameynta isbedelka cimilada.

Goobjoog News