U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Warfaafinta iyo Ku-sime Anita Kiki Gbheho?

Sheeko:Amniga
Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbheho.
Wasiirka iyo Ergeyga ayaa kulankooda kaga wadahadley horumarka ya Dowladda Federaalka Soomaaaliya ka sameyneyso dhanka sugidda amniga, dagaalka lagula jiro Khawaarijta, diyaar garowga wejiga labaad ee hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, maamul wanaagga, adeegyada bulshada, barnaamijyada xasilinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta.
Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagey dadaalka ay dowladda u gashey sugidda amniga magaalada Muqdisho, isagoo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed oo taageero iyo iskaashi u buuxa u muujiyay dowladda iyo ciidanka qaranka.
Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis uu Ergeyga Qaramada Midoobay faahfaahin ka siiyay qaraarkii dhowaan ka soo baxay Golaha Wasiirada ee khuseeyay maareynta maaliyadda guud ee dalka iyo dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa.
Ku-Simaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho ayaa dhankeeda ku bogaadisay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto inay nabad, kala dambeyn iyo horumar ku soo dabbaasho dalka, iyadoo intaa ku dartey in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo iskaashiga iyo taageerada ay Soomaaliya u fidineyso.
Goobjoog News