U bood dhigaalka

Maxay Kawa Hadleen James Swan iyo Taliye Xijaar?

Sheeko:Amniga

Ergayga Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa maanta waxaa uu Muqdisho kulan kula yeeshay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Booliiska, waxaana looga hadlay arrimaha doorashooyinka.

Kulanka James Swan uu la qaatay taliyaha  Booliiska ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhammaystirka iyo xoojinta sugidda amniga guud ee doorashooyinka dalka, isaga oo ku bogaadiyey sida ay u sugayaan amniga magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinku golaha shacabka Baarlamaanka federalka ee cusub oo maraya heer gabagabo ah .

Taliye cidanka Xijaar ayaa waxaa uu dhankiisa yeeshay in ciidanka ay ka go’an tahay sugidda amniga guud ee dalka iyo boobaha sida gaarka ah loogu qorsheeyey in ay doorashada golaha shacabka Baarlmaanka 11-aad oo ku eg 18 bishaan Maarso ee 2022-ka oo ah maalinta loo asteeyey in lagu soo gunaanado doorashada Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka maanta uu James Swan uu la qaatay taliyaha ciidanka Booliiska Soomalaiyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan Muqdisho ay ka dhici doonto doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka dalka iyo tan madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka oo ka dhacayso caasimadda.

Goobjoog News