U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Aadan Madoobe iyo Taliska ATMIS?

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha golaha Shacabka Shiikh Aadan Madoobe ayaa caawa kulan deg deg ah wuxuu isugu yeeray taliska sare ee howlgalka nabad ilaalinta ATMIS, waxaana uu kala hadlay amniga doorashada iyo wada shaqeynta ciidan ATMIS iyo Booliiska federalka goobta doorashada ee Afisyooni ee xerada Xalane.

Saraakiisha guddoomiyaha la kulmay ayaa waxaa ay kala yihiin  Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa uu Muqdisho kawadaa kulamada la xiriira doorashada uu la qaadanayo dadka ay qusayso, waxaana la filayaa in caasimaddu martigeliso 15-ka May 2022 doorashada madaxweynaha 10-aad  ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

Goobjoog News