U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Cali Guudlaawe iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federalka?

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa uu kula kulmay guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka dalka.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayey madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar, wasiir arrimaha Gudaha, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan  Cali Jayte Cismaan, waxaana guddigu ay la wadaageen warbixin ku aadan soodinta Hirshabeelle iyo Galmudug.
Madaxweynaha ayaa guddiga ku bogaadiyay shaqada qaran ee ay hayaan  waxaa uu faray Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan inay kala shaqeeyaan fududeynta howshooda shaqo ay kusoo gaareen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Goobjoog News