U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Laftagareen iyo Wafdigii Dowladda Ee Gaaray Baydhabo?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka soctay Wasaaradaha Qorshaynta iyo Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyo oo Baydhabo u tegay ka qeybgalka Daahfurka Shirka looga hadlaayo arrimaha abaaraha.

Wadatashiga ayaa ku saabsan mudnaansiinta baahiyaha, udkaysiga iyo soo kabashada, kassi oo ay ka qeyb galeen madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Mashruuca waa uu ku saabsanyahay fulintiisa qeybaha koowaad ee mashruuca soo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee ay nasiibka u yeesheen in laga fuliyo maamul Goboleedyada Koonfur-galbeed, Jubaland iyo Hirshabelle.

Mashruucan ayaa la xariira ka jawaabida qiimeeyn horay looga sameeyay, saameeynta Abaaraha, fatahaadaha Ayaxa iyo caabuqa COVID 19 ee dalka ku habsaday.

Mashruucan ayaa ah deeq Maaliyadeed  oo Baanka Adduunka ku taageeray  dowladda Soomaaliya taasi oo gaarayso $137.5M lagana fulinayo eeriyooyinka duwan sida;

a). Kasoo kabashada daadadka iyo soo celinta adeegyada asaasiga;

  1. b) Dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha, bixinta adeegyada iyo kaabidda hab-nololeedyada ay saameeyeen fatahaadaha;

c). U Diyaargaroowga xasaradaha ee mudada fog,

d). Kajawaabidda musiibooyinka Dabiiciga ah ee sida degdega bulshada saameeya.

Goobjoog News