U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran Iyo Madaxweynaha Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxwaynaha maamulka Puntland oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wada- kulamo uu la qaadanayo siyaasiinta Soomaaliyeed si loo dar- dar galiyo arimaha doorashooyinka dalka.

Madaxwayne Saciid Deni ayaa Muqdisho kula kulmay madaxda Madashaxisbiyada qaran ee ay hogaaminayaan madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxamed Iyo Shariif Sheekh Axmed.

Labada dhinac ayaa kulankooda diirada ku saaray in dalka ay ka dhacdo doorashola isla ogol yahay oo waqtigeeda ku dhacda iyo qodobo ay ku jiraan heshiiskii Dhuusmareeb-3

“Madaxweynihi hore ee dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamidah madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Abdullahi Deni”sidaas waxa lagu sheegay war kooban oo  ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

Madaxwaynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa maalin ka hor soogaaray magaalada Muqdisho si ay ula kulmaan Hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha beesha Caalamka.

Dhawaan ayay aheyd markii Maamullada Puntland iyo Jubbalnd ay ka horyimaaddeen ayna qaaddaceen qodobbadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb-3,taas oo keenay in markale la isugu yimaada Muqdisho.

Daawo Kulamadii Madaxweyne Deni Iyo Madasha Xisbiyada Qaran

Goobjoog News