U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdiga Beesha Caalamka?

Sheeko:War
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay wafdi kasocday beesha Caalamka oo ay hogaaminaysay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tinna Intelmann, kuwaas oo safar ku gaaray magaalo xeebeedka Kismaayo ee Jubbada hoose oo xarun kumeel gaar ah u ah dowlag goboleedka Jubbaland.
Waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Safiirada dalalka Norway, Sweden, Netherlands iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.
Madaxweynaha ayaa wakiiladan heerka caalamiga ah la wadaagay xaaladda abaaraha ee deegaannada  Jubaland ka jirta, taas oo saamaysay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi ay la qabto qeybaha kala ee dalka iyo marxaladaha ku gaarka ah.
Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in gurmadka gargaar ee hadda loo baahan yahay uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee lagu samatabixinayo bulshada xoolo-shaqatada ah iyo beeralayda ay abaartu saamaysay, wuxuuna intaas raaciye  in dadaalada socda ay u baahan yihiin kaalmo dheeraad ah isla markana ay jirto xaalad daran oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhanka kale xusay in baahida ugu weyn ee dadka ay wajahayaan xiligaa ay tahay biyo yaraan daran oo wali meelaha qaar, isla markana xoolaha iyo dadkuba ay la daala dhacayaan, Xoolaha nool in calafkii ay u baahnayeen ayna helin taas oo sababtay in xoolo badan ay dhimanayaan bilihii lasoo dhaafay guud ahaan Jubbaland.
Goobjoog News