U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Deni Iyo Wafdiga Qaramada Midoobay?

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe  waxaa uu kulan kula qaatay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo hoggaaminaysay  Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo wafdi oo  gaaray Puntland, waxaana ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.
Wafdiga ayaa  waxaa sidoo kale ka mid ah wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socday urur goboleedka IGAD, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, amniga  iyo abaaraha
Waxaana Madaxweynaha Kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, waxaana wafdigaan gaaritaankooda Garowe ay kusoo aadaysaa iyadoo arrimaha doorashooyinka golaha shacabka ay marayaan heer gabagabo ah, waxaana la filaa in ay dib uga dhacdo 15-ka.
Ku-xigeen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa maalmihii ugu dambaysay waxaa ay safarro ku tagaysay maamullada dalka iyadoo inta badan madaxda kala hadlaysay arrimaha amniga dardargelinta doorashooyinka iyo xogaha ku aadan abaaraha baahsan ee ku ftay dalka ee saamaysay dadka iyo duunyada.
Goobjoog News