U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Xasan iyo Wafdiga Hey’adda Cuntada Adduunka?

Sheeko:War
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaallada ay Dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha Caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.
“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.” ayuu yiri Xasan Shiikh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maalgashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.
Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa ballan-qaadday in Dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunnayarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan taas oo caalamku ku tilmamay in laga cabsi qabo in ay isku rogto heer macluul ah haddii aan wax laga qaban sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana dowladdu wadaa dadallada ku aadan sidii loo heli lahaa gurmad caalami ah oo la gaarsiiyo dadka abaartu ku habsatay.
Goobjoog News