U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Ra’iisulwasaare Rooble iyo Safiirka Ingiriiska?

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster, iyaga oo  kawada hadlay arrimo dhowr ah.
Kulanka ayaa waxaa sigaar ah diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka iyo dardargelinta dhamaystirka, waxaana sidoo kale ku jiray qodoobadii laga hadlay weerarradii dhowaan ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne.
Ra’iisalwasaaraha ayaa sidoo kale kala hadlay safiirka dowladda Ingiriiska Abaaraha iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa shacabka ay abaartu saamaysay, walow gobolada qaar uu ka curtay bilowga xilli Roobka Gu,a.
 Kate Foster ayaa dhankeeda Ra’iisul Wasaaraha uga tacsiyeysay dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerraradii Muqdisho iyo Beledweyn iyadoo sheegtay in Britain ay ku garab taagan tahay xukuumadda iyo shacabkeeda.
Ugu dambayn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u xaqiijiyay in ay ka go’an tahay soo gabagabeynta qeybaha ka harsan doorashooyinka golaha oo heer gebogebo ah maraya in ay ku soo dhammaadaan si nabad ah.
Goobjoog News