U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Rooble iyo Hay’adaha Amniga ?

Sheeko:Amniga
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Muqdisho waxuu shir kula  yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dowladda federalka ah  iyo ciidammada nabad ilaalinta  AMISOM.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Muqdisho, taas oo dhowaan la filaayo in ay ka dhacdo doorashada guddoonka labada aqal iyo tan  madaxweynaha  oo xigta doonta.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada lagu xaqiijiayo amniga guud ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ciidamadu ay ka wadaan gobolada  sida uu hadalka u dhigay.
Kulanka maanta Ra’iisalwasaarah uu la yeeshay taliyeyaasha hey,adaha ammaanka dowladda iyo kuwa  AMISOM  ayaa kusoo aadaya iyadoo dhowaan Magaalada ay ka dhici doonto doorashada guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha.
Goobjoog News