U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Rooble Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug?

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xukuunadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweyne ku-xigeenka maamul  Galmudug Cali Daahir Ciid, iyagoo kawada hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo la isku soo hadal qaaday intuu socday kulanka.

Waxyaabihii looga hadalay ayaa waxaa  waawaynaayeen amniga Galmudug iyo dib u heshiisiinta iyo isku soo dhoweynta  bulshada , iyadoo kulanka uu goobjoog ahaa wasiir kuxigeen wafrfaafinta xukuumadda federalka Soomalaiya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa dhankiisa  Ra’iisulwasaare Rooble waxaa uu uga mahadceliyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay xafiiskiisa iyo kulanka uu la qaatay ee looga hadlay dhowr arrimood intii uu usocday kulankooda.

Goobjoog News