U bood dhigaalka

Maxay Kawada-hadleen Waftigii Imaaraadka Iyo Muuse Biixi

Sheeko:Dalka

Wafti ka socday dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland iyaga oo kulan la qaatay madaxweyne Muuse Biixi.

 Haddaba Kulankan dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo weftiga, waxaa looga hadlay qodobbadan soo socda.

1. Weftiga Imaaraadka carabtu waxay madaxweynaha u muujiyeen in dal ahaan ka xumadeen hadalkii wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda imaaraadka ee sida qaldan loo turjumay, waxaanay sheegeen in ay qoraal rasmi ah kaga soo jawaabi doonaan arrintaasi.

2. In Imaaraadka carabtu ay Somaliland ka caawiyaan adkaynta amniga, kana taageeraan ciidamada dhinaca qalabka iyo tababarka.

3. In Imaaraadka carabtu ay ogolaadeen iibsiga xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo si toosa loogu dhoofin doono imaaraadka.

4. Madaxda dalka imaaraadka carabtu waxay muujiyeen sida ay dal ahaan uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo cadowga labada dal ku sifeeyey kuwo ka xun xidhiidhkooda isla markaana miciin biday warar qaldan oo qaybo ka mida warbaahinta la mariyo.

Goobjoog News