U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Wasaarada Ciyaaraha Iyo Xiriirka K.Cagta Puntland?

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaha Puntlad mudane Jaamac Faarax Muuse ayaa kulan la qaatay madaxda iyo hogganka Xiriirka Kubbadda cagta Puntland,iyagoo kawada hadlay horomarinta iyo qorshayaasha iskaashi ee Wasaarada iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland sanadka 2021.

Wasaaradda Ciyaaraha Puntland ayaa dhawaan xubno cusub ku kordhisay Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland,wuxuuna kulankaa ka dhacay xafiiska wasiirka,waxaana sidoo kale goobjoog ahaa madaxda Wasaaradda iyo bahda isboortiga deeganada Puntland.

“U jeedka kulanka waxa uu ahaa sidii loo dardar gelin lahaa lahaa hawlaha shaqo ee Xiriirka Kubbadda Cagta u hayaan shacabka iyo bahda isboortiga Puntland,waxaan rajaynaa in aan sanadkan gaarno guulo waaweyn sanadka 2021” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Axmed Cabdalla Tigaana oo ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha ido dhalinyarads Puntland.

Madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland ayaa Wasaaradda ciyaaraha la wadaagay wixii u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay 2020 iyo qorshayaashaas u dagsan sanadka 2021 ee ka qabanayaan guud ahaan gobolada Puntland.

“Waxaan isku af garnay in aan si wadajir ugu wada shaqeyno horomarinta guud ahaan isboortiga Puntland,waxaana Madaxda Wasaaradda ay inoo balanqaadeen in 2021 ay horomar weyn laga samego goud ahaan isboortiga Puntland” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cali Ciise (Ciirio) oo ah gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland.

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Puntland

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/ciyaaryahan-hore-puntland-oo-loo-magacaabay-guddoomiyaha-dhalinyaradda-iyo-isboortiga-gobolka-karkaar/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle