U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Wasaaradda Iyo Xiriirka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed?

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Ibraahim Aadan Najax ayaa kulan la qaatay madaxda Xiriirka kubbadda cgata Koonfur Galbeed,iyagoo kawada hadlay arrimaha horomarinta kubbadda cagta Koonfur Galbeed iyo sidii ay Konfur Galbeed demooyinkeeda kala duwan loogu qaban lahaa tartamo is dhaxgalka oo muhiim u ah dhalinyarada iyo bulshada.

“Waxaan xafiiskeyga wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed kulan kula qaatay madaxda Xiriirka Kubbadda cagta,innagoo kawada hadalnay sidii loo hormarin lahaa kubbadda cagta Koonfur Galbeed,loona gaarsiin lahaa dhamaan goboladda iyo degmooyinka” ayuu sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed mudane Ibraahim Aadan Najax.

Kulankan waxaa Wasiir Najax ku wehlinayay Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed ,agaasimaha guud iyo sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada isboortiga Maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaan isku af garanay in aan kor u qaadno ciyaaraha kala duwan iyo in aan xoojin horomarinta dhalinyarada Koonfur Galbeed,kulankan wuxuu noqonayaa mid ka mid ah kulamada joogtadaha ee u dhaxeeya Wasaaradda ciyaaraha iyo madaxda Xiriirka kubbadda cagta Koonfur Galbeed “ ayuu sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Glabeed mudane Aaba Aawow Haaji Cafaan.

Sidoo Kale Aqriso Warark Ku Saabsan K.Gableed

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/wasiir-najax-xiriirka-kubbadda-cagta-soomaaliya-waxaa-xoog-ku-haysta-hal-beel/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle